Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan
Barnamijka dhaqashada Xoolaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka soo baxa Wargeyska Dawan, kaasi oo aynu ku soo qaadan doono macluumaad kala duwan oo ku saabsan dhaqashada Xoolaha sida caafimaadka Xoolaha, kaalinta ay ugu jiraan bulshada, qaababka loo horumariyo taranta Xoolaha, noocyada kala duwan ee ay Soomaalidu dhaqdaan, sida deegaanada ay ugu noolaadaan, si ay deegaanada Soomaalidu ugu kala duwan yihiin dhaqashada Xoolaha, qaabkii ay dadkii hore u dhaqan jireen Xoolaha iyo qaabkan casriga ah ee hada soo kordhay in loo dhaqo xoolaha.
Barnaamijka Xoolaha Wargeyska Dawan sidoo kale waxa ayno ku soo gudbin doonaa xogo kasta oo lagu horumarinayo dhaqashada Xoolaha iyo wax kasta oo dan u ah dhaqashada Xoolaha iyo fududayntooda.
Todobaadkan waxa aynu diirada ku saari doonaa barnaajimka Xoolaha Wargeyska Dawan guud ahaan dhaqashada Xoolaha, noocyadooda, qaababkii loo dhaqan jiray iyo kala duwanaashiyaha xoolo dhaqoto beeraleyda, Xoola dhaqatada reer guuraaga ah iyo nidaamka casriga ah ee wakhtigan Xoolaha loo dhaqdo.
Haddaba dhaqashada Xoolaha ayaa ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha Soomaalida, hase yeeshee dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ayaa xoolaha iyo xoolaleyda waxaa si daran u saameeyay musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhashay isbedelka cimilada, sida abaaraha iyo daadadka soo noq noqda.
Tan iyo inta la ogyahay dhaqashada xoolaha kala duwan ayaa ah mid ay dhaqashadoodu caan ka tahay deegaanada ay dagaan Somalidu, balse waa ay ku kala duwan yihiin siyaabaha ay Xoolaha u dhaqdaan, sidoo Kalena waa ku kala duwan yihiin noocayada Xoolaha ee ay dhaqdaan.
Inta badan xoolaha ay dhaqdaan Soomaalidu waxa ugu caansan 3-da nooc ee kala ah Geela, Lo’da iyo Adhiga,
Haddaba haddii aynu gudda galo meersiyadan iyo qaybsanaantooda, riyo iyo ido, ayuu adhigu u kala qaybsama, halka meelaha qaar kaliya la dhaqdo Geela oo kaliya islamarkaana Adhiga iyo Lo’du Ku yar yihiin meelaha Geela aadka looga dhaqdo, deegaanada qaar waxa caan ku ah dhaqasha Lo’da Halka meelo kale ay ku badan yihiin dhaqashada Adhiga oo isaga laftiisu ku kala badan deegaanada sida meelaha buuralayda ama gubanka oo Riyaha aad looga dhaqdo, sidoo kale Oogada ama meelaha banaanka ayaa waxa aad looga dhaqdaa idaha.
Dadka Xoola dhaqatada ee miyaga ayaa waxa loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah Xoola dhaqato Beeraley kawaasi oo aan badanaa guur guurin, dhaqashada xoolahana ay u dheer tahay qodashada ama falashada Beeraha dalaga beero Calafka xoolaha iyo Hadhuudhka noocyadiisa kala duwan sida Hadhuudh, Galley iyo wixii la mid ah, badanaa waa dad si rasmi ah u dagan meel, waxay dhaqdaan noocyada xoolaha ee kala duwan mana sii badna xoolaha ay dhaqadaan marka loo eego Xoola dhaqatada reer guuraga ah waxana ay caan ku yihiin inta badan dhaqashada Lo’da.
Xoolaha dadka dhaqdaa ay reer guuragaa yihiin ayaa waxa u badan Geella iyo Adhiga kaasi oo dadku ay dhaqdaan Kadin Geela iyo waxii ka badan halka dhinaca Adhiga ay dhaqdaan dhawr tiro ah, taasi oo u dhiganta 100 Adhi ah iyo wixii ka badan, halka Geela Kadin geel ah laga wado markuu Geelu gaadho Boqol neef iyo wixii ka badan, waxanay u baahan yihiin dhul fidsan oo aan wax beero ah lahayn, waa sababta reer guuraa xoola dhaqato ay u noqdeen dadka Geela iyo Adhiga dhaqdaan.
Wakhtiyadan dambe waxa ku soo biiray qaab sadexaad oo xoolaha loo dhaqo laguna magacaabo qaabka Xoolo dhaqashada ee casriga ah waana qaab ay dadka culuumta Xoolaha bartay ay ku doodaan inay ka faa’iido iyo dhaqaale ba badan tahay marka loo eego labadii qaab ee dadk reer miyigu ay hore ugu dhaqan jireen oo lagu kala magacaabi jiray Xoola dhaqato reer guuraa iyo Xoola dhaqato Beeralay.
Qaabka Casriga ee beryahan dambe xoolaha loo dhaqdo ayaa ah nidaam neefka Xoolaha lala soconayo caafimaadkiisa, Biyo iyo baad wixii uu cunayo, meesha uu u hoyanayo iyo xataa qaabka looga maalo Caanaha, waxana ay dadka qaabka xoola dhaqatada casriga xoolaha u dhaqdaa ku doodaan qaab ganacsi oo dhaqaale fiicana laga sameeyo






















