Waxan Ahay Qof Dadka Kaalmeeya!

0
184

Hetty Green waxa ay ahayd islaantii ugu taajirsnayd dalka Maraykanka. Hetty Green waxa ay dhimatay bishii July 13, sanadkii 1916, iyadoo da’deedu gaadhay 81 sano, waxa ay deganayd guriga wiilka ay dhashay oo ku yaallay New York.

Hetty waxa ay caan ku ahayd in ay tahay gabadha ugu bakhaylsan caalamka marka la eego dhaqankeeda iyo hantideeda waxaana taasi keentay in buugga Guinness Book lagu diiwaangeliyo oo ah midka lagu qoro dadka la yimaadda ariimo yaab leh oo ka baxsan dhaqanka caadiga ah ee qofka.

Islaanta ayaa la sheegay in geerideeda ay sabab u ahayd muran xooggan oo dhex maray gabadh jaariyad u ahayd oo aadna u akhlaaq wanaagsanayd. Waxa la sheegay in Hetty ay aad uga cadhootay caano  ay qooshtay oo aanay khafiif ka dhigin, taasin oo ay u aragtay in aanay wax lexjeclo haba yaraatee lahayn.

Sida uu dabaacay New York Times waxay u dhimatay markii dhiig kar halis ah ku dhuftay cadhadii ay ka qaaday sida aanay waxba u madhixnayn Inanta  Jaariyadu, hantidana tasaruf  ku baabiinayso.

Inkasta oo ay Green ahayd dumarka ugu qanisan taariikhda dunida, haddana xataa may lahayn gaadhi u gaar ah iyadoo wax kasta u diidanayd heerka bakhaylnimo ee ay gaadhay.   Waxa ay aaminsanayd in laga fogaado raaxda iyo  nolosha wanaagsan waxaana uu ka mid aha arinkaasi qaynuunka nolosheeda, tan iyo markii ay u guurtay guriga wiilkeedana waxay u noolayd sida dadka saboolka ah iyadoo deganayd qol aad u yar oo xataa qof  kale aanu la degi Karin, iyadoo ka soo horjeeday in dad kale oo raashin, biyo iyo hoy ka martiya, kuwaas oo dhamaantood kharash soo kordinaya.

Hantida ay wakhtigaasi ka dhimatay waxa ay gaadhaysay inta u dhaxaysa $ 100 – 200 milyan oo doller, (oo wakhtigan u dhiganta $ 4.5 Billion doller). Waxaana lagu aasay xabaasha ninkeedii dhiniceeda oo ahayd magaalada Bellows Falls, Vermont. Labadii caruur ahaa ee ay dhashay ayaa hantideedii ku raaxaystay intii ay iyadu ka ilaalisay nafteeda.

Inanteedii Sylvia waxay dhimatay sannadkii 1951, waxaana ay ka tagatay hanti lagu qiyaasay $ 200 million waxaana ay ugu deeqday $ 1.388,000 ilaa 64 jaamacadood, kaniisado, isbitaalada, iyo hay’adaha kale oo samafal ah. Labada carruur ayaa lagu aasay marki ay dhinteen, meel u dhow waalidkood oo ku taalla xabaalaha Bellows Falls ee Maraykanka.

Islaanta ayay halhayskeeda ugu muhiimsan ee guusha ganacsiga uu ahaa odhaahda :” waxa kaliya ee ah in aad samayso  waa inaad soo iibsato alaab qiimo jaban oo adiguna aad dib ugu iibiso qiime ka sareeya kana ad kuiibsatay (ka qaalisan), u dhaqan si xeeldaysan oo xikmadaysan, waana inaad sabir yeelato”