Xiisadda ku saabsan qaabka loo wajaho wada-hadallada nabadda ee u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka ayaa gashay marxalad cusub oo xasaasi ah. Sababta ugu weyn ee caqabaddan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay qorshe uu kula kulmayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kulankaas oo ka dhacaya gobolka Alaska Jimcaha soo socda. Arrintan ayaa keentay in hoggaamiyeyaasha Yurub ay muujiyaan walaac xooggan, iyaga oo ka warwarsan in Kyiv laga saaro miiska wada-hadallada, taas oo ay ku sheegeen mid khatar ku ah nabadda mustaqbalka iyo amniga qaaradda Yurub.
Hoggaamiyeyaasha UK, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Poland, Finland iyo Golaha Yurub ayaa ku dhawaaqay in wadahadallada nabadda ee lala galayo dalka Ruushka aanay suurto-gal ahayn in la qabto iyada oo ay miiska wada-hadalka ka maqantahay Ukraine. Waxay ku baaqeen in xuduudaha caalamiga ah aan lagu bedde-karin xoog, sidoo kalena waxay si cad u sheegeen in Yurub ay leedahay maslaxad amni oo ku khasbaysa inay qayb ka noqoto xalka.
Mowqifka Maraykanka
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya kulan uu la yeesho Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin gobolka Alaska Jimcaha. Trump wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ku daro Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky kulan saddex-geesood ah, balse hadda qorshuhu wuxuu ku ekaanayaa isaga iyo Putin, sida uu codsaday Kremlin. Maxweyne Trump ayaa sidoo kale soo jeediyay in heshiis nabadeed lagu gaadho “isweydaarsi dhul” oo Ruushka lagu siiyo Crimea iyo Donbas, arrintaas oo ay si weyn uga horyimaadeen madaxda Ukraine iyo kuwa iyo Yurub.
Mowqifka Ukraine
Zelensky ayaa sheegay in heshiis aan Ukraine qayb ka ahayn aanu marnaba keeni karin xal waara, isla markaana aan laga gaadhi-karin nabad-midho dhal ah, sidoo kalenna uu khatar ku yahay nabadda. Wuxuu ku adkaystay in xabbad-joojin la sameeyaa aanay noqon karin mid sharciyaysa xuduudaha uu Ruushku qabsaday. Madaxa xafiiskiisa Andriy Yermak ayaa ku daray in nabad lagu gaadhi karo oo keliya miiska wadahadallada oo ay Ukraine fadhido.
Macnaha Istaraatiijiga ah
Shirka Alaska, oo noqon doona kii ugu horreeyay ee u dhexeeya madaxweyne Maraykan ah oo xil haya iyo madaxweynaha Ruushka ee Putin tan iyo Geneva 2021, shirkaas oo ka dhici doonaa meel leh astaamo taariikhi ah, maadaama Ruushku 1867 ka iibiyeen Alaska Maraykanka. Yurub waxay ka walaacsan tahay in laga saaro masraxa wadahadallada, taas oo wiiqi karta saamaynteeda amniga ee mustaqbalka.






















