Dameer ayaa maalin libaaxa u yimi oo ku yidhi :” Anigu waxaan ahay mid dadku dhaqdaan oo hawlo badan u qabta, alaabada culus ayaan u qaada, wax kasta oo ay ii diraan waan qabta anigoo amarkooda markiiba fuliya. Haddana xataa hadday qof xumaynayaan waxay ku yidhaahdaan “ Waxaad tahay Dameer”.
Adiguna Libaaxow waxaad cunta xoolohooda iyo naftooda, cabsina waad ku abuurta, haba yaraate waxtarna uma lihid , cadowgooda ayaad tahay. Haddana marka qof ay amanayaan waxay ku yidhaahdaan :” Waxaad tahay Libaax”, waa maxay sababtu ?!.
Libaaxa ayaa ku jawaabay : “Sababtu waxa weeye, dadku waa kuwo aan abaal lahayn.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi :” Ogow Dameerow Aadmigu waxay jecel yihiin kan dilaya, dhibaataynaya ee aan waxba u tarayn. Ka waxtarka u leh ee hayinka u ah, way bahdilaan oo waxay u yaqaaniin nacas”.




















