Barcelona ayaa la filayaa inay jeebka ku shubato €5-6 milyan kaddib markii la xaqiijiyay inay Villarreal kula ciyaarayaan magaalada Miami 20-ka Diseembar 2025, kulan ka tirsan horyaalka La liga, sida ay sheegtay RAC1. Xidhiidhka Kubadda Cagta Spain ayaa oggolaaday qorshahan, iyadoo ciyaarta lagu qaban doono Hard Rock Stadium, balse weli ay u baahan tahay oggolaanshaha UEFA iyo FIFA.
Villarreal ayaa heli doonta lacag ka badan tan Barcelona si loogu magdhawo khasaaraha ka imaan doona iibka tigidhada garoonkooda. Tani waxay noqon doontaa isku daygii ugu horreeyay ee La Liga ay ku qabato kulan rasmi ah gudaha Mareykanka tan iyo markii uu fashilmay qorshihii 2018 ee kulankii Barcelona iyo Girona.
Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo lagu ballaarinayo suuqa Mareykanka ee horyaalka Spain. Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa ciyaartii ugu horreysay ee horyaal heer sare oo Yurub ah lagu ciyaaro gudaha USA.























