Muhiimadda Tababarka Joogtada ah ee Macalinka: Laf-dhabarta Tayada Waxbarashada JSL

0
172

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Furitaanka tababarka joogtada ah ee Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka waxa uu yahay mid si weyn loo bogaadin karo, isla markaana tilmaamaya isbeddel istaraatiiji ah oo ay ku tallaabsatay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland. Waa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa in tayada waxbarashadu aamay ku koobnayn dhismeyaasha dugsiyada iyo manhajka kaliya, balse ay si toos ah ugu xidhan tahay tayada barayaasha.

Tababarkan, oo noqonaya mid toddobaadle ah, waxa uu diirradda saarayaa aqoon korodhsi la xidhiidha hababka casriga ah ee waxbaridda iyo qiimeynta, gaar ahaan Competency-Based Assessment iyo Innovative Pedagogy. Labadan eray ee muuqda ayaa xambaarsan falsafad cusub oo ku dhisan in ardaydu helaan waxbarasho salka ku haysa karti, la fahmi karo, oo suurtagelin karta inay nolosha wax ka qabtaan.

Waxaa muhiim ah in la xuso in macallinka tayadiisu tahay furaha waxbarasho fiican. Sida ay xustay Agaasimaha Kulliyadda, Marwo Raxma Cabdirisaaq, barayaasha waa inay helaan tababbarro joogto ah si ay ula jaanqaadaan isbeddellada waaweyn ee ka socda nidaamka waxbarashada caalamka. Tani waa aragti qotodheer leh oo ay tahay in lagu dhiirrigeliyo dhammaan hay’adaha waxbarashada ee dalka.

In la sameeyo barnaamijyo joogto ah oo tababar iyo aqoon korodhsi ah oo loogu talogalay macallimiinta kulliyaddu waa tallaabo ka duwan tii hore ee ku salaysnayd tababar hal mar la qabto oo kaliya. Waa nidaam ku saleysan joogteyn, koritaan iyo qiimayn wax ku ool ah. Haddii qorshahan si hufan loo hirgeliyo, waxa hubaal ah in uu yeelan doono saameyn togan oo si toos ah u gaadhi doonta fasallada dugsiyada iyo natiijada waxbarashada guud ahaan.

Haddaba, tababarkani maaha kaliya tababar shaqaale, ee waa aasaaska dib-u-curashada waxbarasho leh himilo qaran. Waa tallaabo ay tahay in lagu daydo, lana sii xoojiyo, iyadoo laga shaqeynayo in la ballaadhiyo lana gaadhsiiyo dhammaan barayaasha heer qaran. Si loo dhiso jiil aqoon iyo xirfad leh, waa in laga bilaabo macallinka. Tayada macallinku waa tayada mustaqbalka.