- Wiilkaygow wax kasta oo macaan ayaan dhadhamiyey, maan helin wax caafimaadka ka macaan.
- Wiilkaygow wax kasta oo qadhaadh ayaan dhadhamiyey, mana arag wax ka qadhaadh badan inaad u baahato dadka.
- Wiilkeygow wax kasta oo culus ayaan qaadaay, mana arag wax ka culays badan dayn Banii’aadam kuugu yeeshay.
- Wiilkaygow waxaan soo arkay dad malqabeen ah, mana arag qof maalkiisa ku qanacsan.
- Wiilkaygow kuwo i neceb ayaa col ila ah. Maanan arag wax iiga cadowsan nafteyda
- Wiilkaygow dhar kii u qurux badnaa ayaan soo xidhay, mana helin wax ka qurux badan Allah cabsidiisa.
Wiilkaygow labana xusuusnoow inta aad nooshahay ’Xuska Allah & Geerida’




















