Weeraryahanka Barcelona, Robert Lewandowski, ayaa laba ka mid ah saaxiibadiisa kooxda u magacaabay musharrixiinta ugu cadcad ee ku guuleysan kara Ballon d’Or sanadkan. Lewandowski ayaa rumeysan in Lamine Yamal iyo Raphinha ay ka mid noqon doonaan ciyaartoyda ugu cadcad in loo aqoonsado ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Labada garab ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay Barcelona, iyagoo kooxda ka caawiyay hanashada dhammaan koobabka maxalliga. Yamal iyo Raphinha ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay 100 gool oo toos ah (goolal iyo caawino isku jira) xilli ciyaareedkii hore, waxayna labaduba ka mid noqdeen 30-ka ciyaaryahan ee u soo baxay liiska musharrixiinta Ballon d’Or ee la shaaciyay toddobaadkii hore. “Xilli ciyaareedka Lamine Yamal wuxuu ahaa mid cajiib ah, balse ugu dambeyn waxa ugu muhiimsan ayaa go’aamin doona,” ayuu Lewandowski u sheegay BBC. “Weli wuxuu heystaa waqti badan, haddii aysan sanadkan ahayn, waxaa laga yaabaa sanadka dambe. “Raphinha sidoo kale wuxuu ku naallooday xilli ciyaareed la yaab leh. Waxaan heysanaa ciyaartoy noqon kara kuwa ugu cadcad abaalmarintan.”
Home Barnaamijyada ciyaaraha Lewandowski Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Barcelona Ah Oo Ugu Cadcad Abaalmarinta...























