Weeraryahanka amaahda ku jooga Barcelona, Marcus Rashford, ayaa hadallo adag ku weeraray xaaladda Manchester United, isagoo ku dhaliilay sida kooxda loo maareeyay sannadihii la soo dhaafay.
Isagoo ka hadlayay The Rest Is Football podcast ee uu martigeliyo Gary Lineker, Rashford ayaa la weydiiyay aragtidiisa ku saabsan waxa loo yaqaan “xilliga kala-guurka” ee United.
“Waxay yiraahdeen waxaan sameyneynaa is-beddel sanado badan, laakiin si aad isbeddel u muujiso waa inaad billowdaa. Runtu waxay tahay in isbeddelka dhabta ahi weli aanu bilaaban,” ayuu yidhi Rashford.
Isagoo tusaale u soo qaatay Liverpool, ayuu yidhi: “Markii Liverpool ay xaaladdan soo mareysay, waxay heleen [Jurgen] Klopp waxayna ku dhegganaayeen isaga. Bilowgii ma aysan guuleysan, laakiin dadka waxay xusuustaan sannadihii ugu dambeeyay ee uu la tartamayay [Manchester] City oo uu ku guuleysanayay koobab waaweyn. Si aad u bilowdo isbeddel waa inaad samaysataa qorshe oo aad ku dheganaataa.”
Rashford ayaa intaas ku daray in United aysan lahayn jihadaas joogtada ah:
“Waxaan ka hadlayaa in aad runta ka sheegto xaaladdaada. Waxaa ina soo maray tababareyaal badan, fikrado badan iyo istaraatiijiyado kala duwan oo lagu doonayo guul, taas oo naga riday meel aan habbooneyn.
“Markii Ferguson uu talada hayay, mabaadi’da kooxda koowaad waxay sidoo kale ka jirtay dhammaan akadeemiyada. Waxaad qaadan kartay ciyaaryahan 15 jir ah oo fahmaya mabaadi’da ciyaarta qaabka Manchester United.”
Isagoo sii hadlayay, ayuu yidhi: “Koox kasta oo guul joogto ah heshay waxay lahayd mabaadi’ macnaheedu yahay in macallin kasta ama ciyaaryahan kasta oo yimaadaa uu la jaanqaado ama wax ku kordhiyo mabaadi’daas.
“Mararka qaar United waxay lahayd rabitaan ay ku guuleysato, balse wuxuu ahaa mid aan ficil la socon. Haddii jihadaadu mar walba is beddeleyso, kuma guuleysan kartid horyaalka.”























