Hawl Galkii Halista Badnaa!

0
179

Mudadii ay Adlof Hitler iyo Xisbigiisii ​​Naasiyiinta xukumayeen Yurub, sarkaal dhalinyaro ah oo ciidanka Naasiga ka tirsanaa ayaa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay lama degaanka Tuniisiya.

Dhawaaca ayaa sababay in sarkaalka laga jaro gacantiisa midig, iyo weliba saddex farood oo gacanta kale ah. Waxa kale oo dhaawacu ka dhashay inuu ishiisa bidix waayo.

Sarkaalka ayaa nacayb aad u xun u qaaday Xukunka Hitler, waxaana uu goostay inuu tiritiro Hitler iyo xisbigiisa Naasiga.

 

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Colonel Claus Von Stauffenberg waxa uu ah sarkaalkii ku kacay isku daygii ugu halista badnaa uguna geesinimada badnaa ee lala beegsado Hitler, kaasi oo ka mid ahaa 15-kii sarkaal ee isku day dilka ah la beegsaday Hitler.  Dhacdadan iyo hawlgalkan xaqiiqda ah ayaa sameeyay  filimka “Valkyrie” oo la soo saaray sanadkii 2008. Filka hawgalkii Valkyrie waxa  uu socday 120 daqiiqo. Waxaana uu si fiican usoo bandhigay isku dayga dilka iyo afgebiga lagu fulinayay Hitler.

Ka dib markii ciidankii Jarmalka ay kala kulmeen guuldarooyin isdaba joog ah dalalkii ay haysteen iyo weliba jabhado kala duwan oo ka curtay deegaanadii ay ka talinayeen, kuwaas oo sabab u ahayd go’aanada khaldan ee ka imanaya Hogaanka sare ee Naasiga Jarmalka  “HiItler”, iyo kooxdii la talinaysay waxa muuqday in jabkii Jarmalka la gaadhay.

Kornayl “Stauffenberg” waxa uu ahaa nin hami sare leh oo si dhakhso ah u dalacay ilaa uu ka gaadhay jagada Taliyaha ciidamada Kaydka ah ee hawshoodu tahay badbaadinta dalka Jarmalka.  Laakiin Kornaylku aad ayuu xanaaqsan yahay, waxaana uu ku hamiyay dilka Hitler, isagoo aaminay haddii Hitler laga takhaluso in wax kasta hagaagayaan.

Awoodaha ciidanka keydka ee uu xukumayay waxaa ka mid ah in hawlgal militari oo qarsoodi ah ay qaadi karaan haddii ay dhacdo in Hitler ama dalka ay soo food saarto khatar ama afgambi. Kuwaasi oo soo faragelinaya isla markaana khatarta burburinaya. Kornayl Stauffenberg, ayaa ku dadaalay in koox saraakiil sare ah oo ay isku fikrad noqdaan sameeyo kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Lieutenant General Friedrich Olbrecht, Major General Henning von Treskummer, iyo  Field Marshal Rommel oo aan isagu ka qayb qaadan laakiin ogolaaday.

Waxaana uu go’aansaday inuu adeegsado howlgalka “Valkyrie” si uu u fuliyo afgambigii ka dhanka ahaa Hitler. Hawlaglka “Valkyrie” ayaa mid si degdeg loo hawlgelinayo ciidanka iyadoo laga hor tegayo khatarta ku socota hogaamiyaha Hitler ama dalkaba.

Dabcan, isku daygii la doonayay in lagu dilo Hitler waa uu fashilmay, ka dib markii bamkii loo dhigay inuu dilo Hitler aanu ku dhiman.

 

Field Marshal Wilhelm Keitel ayaa isaguna markii uu ogaaday in bamka aanu dilin Hitler, diiday inuu bilaabo hawlgalka Valkyrie, taasi oo iyana fashilka qayb ka ahayd.

Hitler oo qaylinaya waxa uu ka soo baxay hogiisa isagoo dhaawacan, waxaana u ku dhowaaqay eraydan: “ Waxa aan uga badbaaday geerida qaab aan caadi ahayn, hadda si aad ah ayaan ugu qanacsanahay in wax walba la soo afjari karo “.

 

Ciidanka Kaydka ah ayaa fuliyay amarrada hogaanadooda iyagoo u maleeyay in Hitler dhintay. Waxay qabsadeen dhowr xarumood oo rasmi ah, oo ay ku jiraan Wasaaradda Dagaalka iyo dhismaha baarlamaanka, iyagoo xidhay xubno muhiim ah. laakiin arrimuhu si tartiib tartiib ah ayey faraha uga baxeen,

 

Waxaana la qabtay Kornaylkii hogaaminayay afgembiga Stauffenberg iyo kuwii la socdayba iyadoo isla markiiba la toogtay. Maanta Colonel Claus von Stauffenberg waxaa looga arkaa dalka Jarmalka inuu ahaa halyeey qaran oo isku dayay inuu ka saaro, kana badbaadiyo Jarmalka ciqaabta iyo xukunka cabudhinta ah ee ay ku jireen ee Hitler hogaanka u hayay.

 

Filimku wuxuu iftiiminayaa saraakiishii Jarmalka ee sida xamaasada leh uga sheqeeyay imaatinka Hitler ee xukunka, inay ku noqotay markii danbe fajiciso aanay filayn in Hitler burbur iyo naxdin gaadhsiin doono Jarmalka iyo dunida kaleba.