Wasaaradda Dawladaha Hoose oo Qabatay Kulan Wadatashi oo Ku Saabsan Mashruuca Bulsho

0
361

Maamulka dawladaha hoose waa tiirka ugu dhaw ee adeegyada bulshada, waana halkii ay dadweynuhu si toos ah uga arki lahaayeen saameynta togan ee dawladnimo. Barnaamijkan cusub oo ah mid todobaadle ah, soona bixi doona maalin kasta  oo sabti ah isla markaana kahristeyaasha wargeyska Dawan ay kala socon dooonaan sabti kasta,   waxaanu ku  iftiimin doona doorka ay Dawladaha Hoose ku leeyihiin horumarka deegaanka, kor u qaadista adeegyada bulshada, illaalinta nadaafadda, iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka muwaadiniinta.

Toddobaad kasta, Barnaamijkan waxa uu si qoto dheer u falanqeyn doonaa guulaha iyo caqabadaha horyaalla maamulka hoose ee gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, isagoo soo bandhigaya xog-ogaalnimo, wareysiyo toos ah, iyo warbixino gaar ah oo laga diyaariyay hawlgaladooda maalinlaha ah.

Toddobaadkan waxa aynu diiradda ku saaraynaa kulan wadatashi oo ay qabatay Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo lagaga hadlayay hirgelinta

Mashruuca Bulsho.

Kulan ballaadhan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa ayaa lagu martiqaaday dhammaan daneeyayaasha mashruucan muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin madaxda degmooyinka, hay’adaha taageerada bixiya, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mashruuca Bulsho: Horumar Waara oo Ku Saleysan Baahiyaha Degmooyinka

Mashruuca Bulsho waa mid ay hogaaminayso Wasaaradda Dawladaha Hoose, waxaana maalgelinaya Baanka Adduunka. Ujeedada mashruuca ayaa ah in si hufan loo horumariyo degmooyinka dalka, gaar ahaan dhinacyada:

  • Maamulka
  • Waxbarashada
  • Caafimaadka
  • Nadaafadda guud

Mashruucan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya degmooyinka derajadoodu hooseyso, si loo gaadhsiiyo heerar adeeg oo la mid ah kuwa degmooyinka kale ee dalka. Waxaa la filayaa in uu wax ka beddelo hannaanka shaqo iyo adeeg ee degmooyinku bulshada u hayaan.

Mayirada degmooyinka Balli-gubadle iyo Baki oo ka mid ahaa ka qaybgalayaashii kulanka ayaa si cad u muujiyey ahmiyadda mashruucani u leeyahay degmooyinka dalka. Waxay xuseen in mashruucyada laga fulinayo degmooyinka looga baahan yahay in lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee deegaanka, halkii laga hirgelin lahaa mashaariic is le’eg oo aan waxtar badan u lahayn deegaanka – tusaale ahaan, in tuulo hore loogu dhisay masaajid haddana mar kale lagu celiyo, iyadoo aan la tixgelin waxbarashada ama adeegyada kale ee muhiimka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Mudane Cali Cige Maxamuud, oo kulanka soo xidhay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda Mashruuca Bulsho. Wuxuu caddeeyay in mashruucani xoogga saari doono:

  • Horumarinta adeegyada maamulka hoose
  • Tayaynta nadaafadda
  • Kor u qaadista adeegyada waxbarasho iyo caafimaad

Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu xusay in mashruucani qeyb ka yahay aragtida ballaadhan ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ee ku saleysan hirgelinta maamulka daadejinta iyo dhisidda degmooyin adeegyo tayo leh leh.

Mudane Cali Cige wuxuu hoosta ka xarriiqay in ujeedada ugu weyn ee wasaaraddu tahay in la gaadho dhammaan degmooyinka dalka, lana ogaado baahiyahooda, si qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka loogu saleeyo xog sugan iyo baahi dhab ah.

Gabagabo

Mashruuca Bulsho waxa uu noqday mid xambaarsan rajo, himilo iyo yididiilo cusub oo ku wajahan kor u qaadista tayada nolosha shacabka ku nool tuulooyinka iyo degmooyinka dalka Somaliland. Mashruucani waxa uu si gaar ah diiradda u saaraya sidii loo heli lahaa degmooyin leh adeegyo casri ah, hufan, waxtar leh, oo si cadaalad ah loogu qaybinayo dhamaan gobollada iyo degmooyinka dalka – iyada oo aan la illaawin degmooyinka baahiyaha badan qaba ee horumarku gaabiska ka yahay.

Mashruucan oo ay hirgelintiisa hormuud u tahay Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, ayaa ah mid la jaanqaadaya siyaasadda dowladda ee ku saleysan maamul daadejin, caddaalad bulsho iyo horumar loo siman yahay. Waxay sidoo kale muujinaysaa go’aanka adag ee ay wasaaraddu ka qaadatay in horumarka dalka laga bilaabo xagga hoose – oo ah degmooyinka – maadaama ay yihiin xudunta nolosha muwaadinka caadiga ah.

Ugu dambayn, mashruuca Bulsho waa bilow muhiim ah oo horseedi kara isbeddel la taaban karo oo ku yimaadda heerka adeeg ee degmooyinka dalka. Waa tusaale cad oo muujinaya sida wada-shaqayn ka dhaxaysa dowladda dhexe, maamullada hoose, iyo bulshada ay u horseedi karto horumar waara oo sal-ballaaran leh.