Bandhig Baahineedka Macalinka Guriga

0
367

Qore: Maxamed (Waxbarasho)

Muddo sannad ku siman oo aan macalin ka ahaa mid ka mida dugsiyada hoose/dhexe ee JSL oo aan dhigayay maadadda Af-Carabiga, waxa aan qiimayn ku sameeyay Fahamka ardayda ee barashada luuqadda iyo caqabadaha ka haysta dhanka qorista curiska.

Waxa ii caddaatay in ardaydu ay la dhiban yihiin qorista curiska Carabiga ah, loona baahanyahay xal degdeg ah oo dhibtaas meesha ka saara. Sidaas awgeed, waxaan isu xilqaamay oo aan diyaariyey dhiganaha Macalinka Guriga oo hadda wixii ka dambeeya, haddii Alle Yidhaaho ardayda ka caawin doona; qorista curiska.

Waxa la qorsheeyey in hanaanka bandhigga baahineed ee dhiganahani uu noqdo qaab elektaroonig ah (PDF) oo si fudud loogala degi karo mareegaha internet-ka, waxana la rejaynayaa in uu gaadho boqollaal kun oo arday oo kala jooga Magaalooyinka iyo Miiyada, kuwaas oo wax ka barta dugsiyada Hoose/Dhexe ee JSL. Taasi waa ujeedada qoraaga oo muhiimaddeedu ay tahay suulinta caqabadda ardayda ka hortaagan qorista Curis Carabi ah oo macne ku fadhiya.

Isbeddalka dhabta ah ee dal waxa uu yimaaddaa; markay muwaadiniintu isu xilqaamaan u midoobista baylahtirka danaha guud ee dalkooda. Inta aanad odhan muxuu ii qabtay qarankaygu; dheh maxaan u qabtay qarankayga? Ogsoonow danta gaarka ahi inay ku sii dhex jirto danta guud. Ogsoonow in anfaca guud ka khayr iyo barako badan yahay anfaca gaarka ah, si loo goosto midhaha isbeddal umaddeed oo dhab ah.

Walaalayaal, waxba kuma taabbo-galaan, waxna kuma hirgalaan; in qofka muwaadinka ahi uu yidhaahdo: “Aniga Horta”. Anaaniyaddu waxa ay ka hortagtaa in isbeddal dhaco, waana hooyada dib u dhaca. Maxaan anigu faa’iidayaa? Maxaan anigu helayaa? Maxaa iigu jira? Waa weydiimaha dib inoo dhigay.

Ugu dambayn, mihnadlayaasha saxaafadda waxaa laga codsanayaa, inay doorkooda shariifka ah ka qaataan baahinta dhiganaha Macalinka Guriga, si cidda uu khuseeyo loo gaadhsiiyo. Buuggu waa bilaash, waxana muhim ah in arday waliba uu helo nuqul ka mida.

FG: Dhiganehan waxaan u diyaariyey u hibeeyay oo u haneeyay dhammaan Ardayda wax ka barata Dugsiyada Hoose/Dhexe ee JSL iyo qof kasta oo danaynaya barashada Af-Carabiga, si uu diintiisa u barto. Waxana reeban in loo adeegsado hab ganacsi ah.

MAHADSANIDIN

Qore: Maxamed Cabdikariim Axmed (Waxbarasho)

Qoraa Qareen ah

E-Mail: moxamedshiil@gmail.com