Daryeelka Dadka Baahiyaha Gaarka ah leh iyo Dedaalka Wasaarada Shaqada JSL

0
110

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo dhinaca daryeelka iyo xuquuqda dadka naafada ah, iyada oo si rasmi ah u soo gunaanaday wadatashi toddobaad socday oo lagu falanqeeyay qabyo-qoraalka Xeerka Xuquuqda iyo Daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Kulankan, oo uu soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen, wuxuu ahaa mid tusaale u ah hannaan daah-furan, dimoqraadi ah oo bulshada naafada ah iyo daneeyayaashooda fursad u siiyay inay si toos ah uga qeyb qaataan samaynta xeer la rajaynayo inuu wax weyn ka beddelo noloshooda. Talooyinka iyo aragtiyaha wax-ku-oolka ah ee kasoo baxay kulankan waxa ay iftiiminayaan baahida loo qabo in dadka baahiyaha gaarka ah leh lagu daro qorshe kasta oo dowladeed.

Tani waa tallaabo dib u xaqiijinaysa in Somaliland ay u socoto dhanka horumar bulsho oo loo siman yahay, iyadoo kor loo qaadayay wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay in dadka naafada ahi ay helaan xuquuq dhab ah, kaalin muuqata oo bulsho iyo fursado siman.

Waxay sidoo kale muujinaysaa in wasaaraddu ay garowsatay baahida loo qabo in sharciyadu noqdaan kuwo ka tarjumaya xaqiiqada dhabta ah ee dadka naafada ah, halkii laga soo saari lahaa sharciyo guud oo aan si gaar ah u taaban baahidooda. Tani waxay ka tarjumaysaa dawladnimo damiir leh oo bulshada u wada adeegaysa, iyada oo aan cidna laga tagayn.

Waxa muhiim ah in xeerkan marka la dhammeeyo, uu noqdo mid la dhaqan geliyo si dhab ah, lana helo miisaaniyad iyo qorsheyaal la jaan qaadaya ujeeddooyinkiisa. Xuquuqda iyo daryeelka dadka naafada ah maaha deeq; waa waajib bulsho iyo qaran oo ay tahay in si buuxda loo ilaaliyo.

Gunaanadkii wadatashigan ayaa noqon kara geeddi-socod dhab ah oo u bilaabmaya dadka baahiyaha gaarka ah leh, kuwaas oo in badan la hilmaamay. Haddii si dhab ah loo hirgeliyo, xeerkan cusub wuxuu noqon karaa dhaxal siyaasadeed iyo bulsho oo wax weyn ka beddeli kara mustaqbalkooda.