Barnaamijka dhaqashada Xoolaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ku soo baxa Wargeyska Dawan, kaas oo aynu ku soo qaadan doono macluumaad kala duwan oo ku saabsan dhaqashada Xoolaha sida caafimaadka Xoolaha, kaalinta ay ugu jiraan bulshada, qaababka loo horumariyo taranta Xoolaha, noocyada kala duwan ee ay Soomaalidu dhaqdaan, sida deegaanada ay ugu noolaadaan, si ay deegaanada Soomaalidu ugu kala duwan yihiin dhaqashada Xoolaha, qaabkii ay dadkii hore u dhaqan jireen Xoolaha iyo qaabkan casriga ah ee hada soo kordhay in loo dhaqo xoolaha.
Barnaamijka Xoolaha Wargeyska Dawan sidoo kale waxa ayno ku soo gudbin doonaa xogo kasta oo lagu horumarinayo dhaqashada Xoolaha iyo wax kasta oo dan u ah dhaqashada Xoolaha iyo fududayntooda.
Barnaamijka dhaqashada xoolaha ayaa ah mid Todobaadka maalinta Isniinta ku soo baxa Wargayska Dawan.
Waxaanan qaybaha kala duwan ee Xoolaheena marba qodob aan is leenahay akhristayaasheena wax badan ayey ka faa’iidayaan ku dul istaagno ayaa mawduuca manta iyo todobaadkan waxaan ku soo qaadan doonaa Geela oo ah xoolaha ka ugu adkaysiga badan marka ay noqoto helida Biyaha iyo Baadka.
Geelu waxa uu ka mid yahay xoolaha deegaanada qaar ay Soomaalidu dagto loogu jecel yahay dhaqashadiisa, waxana jira heeso iyo maansooyin lagu amaanayo geela laguna tilmaamayo doorka uu noloshada ka qaato.
Awrka ayaa ah gaadiid ay reerku rartaan marka meel laga guurayo si loogu hayaamo meel kale oo ka baad iyo biyoba fiican halkii hore waxana Awrta lagu qaadaa Hoyga, Caruurta aan socon Karin, Maqasha yar yar iyo wax kasta oo uu reerku baahan yahay.
marka Baraagaha, Balayada iyo meel kasta oo biyo qabatinii dhamaato misana halka biyo laga helayaa fogaato Awrtu waxay ahayd waxa ugu muhiimsan ee raggu biyaha ugu soo dhaamiyaan reerka.
Hees hawleedyo kala duwan ayuu ninku adeegsadaa marka uu biyaha dhaaminayo taasi oo isaga laftiisu isku dhaafiyo culayska hawsha, waxa kale oo uu awrka u sheegaa inaanu dhibsan inta biyo dhaamintu socoto isagoo leh “Inaan kugu dhuftaad moodee, waan kugula soo dhacay”
Geela ayaa marka dadka soo maalida ay la soo gudboonaato xaaladaha dilka ama shil baabuur oo dad ku dhinteen yimaad waxa lagu kala qaata Magta oo sida ay diinteena Islaamku ba ay qabto marka Nin la dilo waxa la sii yaa reer kii ninka laga dilay 100 Halaad oo geel ah halka qofka dumar ah laga bixiyo 50 Halaad, arintan kala qaadashada geela ayaa timaad marka reer ka dhibanaha ah ee Ninka laga dilay ay ku qan-caan in wiil koodii la dilay ka qaataan Mag ama Diyo qof ba sida uu u yaqaan.
Waxa intaa soo raaca xaaladaha dhaawaca ee dadka soo gaadha, dhaawacaasi sida uu doonaba haku yimaadee waxa la xaqaa geel, sidoo kale waaba la qiimeeyaa oo iyada oo loo eegayo neefka geela ah qiime u go,an ayaa jira oo lagu kala qaataa.
waa halkii ay lahayd Cambaro oo ah gabadh u dhalatay deegaanka Buuhoodle mar ay gabayo u badan haasaawe ay is wadaar sanayeen Alle ha u naxariistee Abwaankii la odhan jiray Hure Walaan-wal oo isaga laftiisu ka soo jeeda gobolka Togdheer” Nin raga ah oo la dilay ayaan gashigiisu kuu imane, Geelu xoolo kuma jiro”.
Dhinaca kale marka gabadh Heego la moodo oo ay reer koodu ku soo tabceen ay gaadho wakhtigii guur ka una soo geed fadhiisto wiil doob ah isla markaana gayaan keed ah ayaa waxa duleedka la soo tubi jiray ama la soo joogin jiray 100 Halaad oo geel, iyadoo marka la kala gudoomo Geela gabadha sheekhu halkaas ugu meherin jiray wiilka gabadha u soo geed fadhiistay, ninka geeliisu dhawrka Kadin kor u dhaafay ayaa ahaa ka ugu hantida badan Somalilada dhex deeda.
Mark kale, ALLE Ha u Naxariistee Abwaankii waynaa ee Cumar Xuseen Gorse (Cumar Isteelliye) waa kii ku lahaa Gabeygiisii Caan baxay ee “Ragga Laxaha Sii dhawrayoow, Dhaqasho Waa Geel” kaasi oo uu kaga hadlayey doorka geelu leeyahay marka xoolaha kale loo eego.
Dhibaatiyo adoo Gaajo qaba, dhaxanta Jiilaalka
Dhoor caano laga soo lisoo, yara dhanaanaaday
Nin dhadhamiyey waa garanayaa, dhul ay qaboojaane
Goortaad dhantaabaa jidhkaba, dhidid ku qooyaaye
Ragga Laxaha sii dhawrayoow, dhaqasho waa geel.
Sanadihii u dambeeyey waxa soo kordhay in geela loo dhaqo ama loo xanaaneeyo qaab casri ah oo ka duwan sidii wakhiyadii hore loo dhaqi jiray taasi oo loo badadalay in caanihiisa si maalinle ah looga sameeyo dhaqaale wanaagsan geelana loo sameeyo meelo xidhan oo la ilaaliyey Caafimaadkiisa, sidoo kale waxa lala socdaa oo ay ka shaqeeya dhaqakhaatiir baratay cilmiga caafimaadka xoolaha ku waasi oo ka war haya neefka geela ahi waxa uu cunayo iyo waxa uu cabayo iyo si guud caafimaadkiisa.
Meelaha lagu xanaaneeyo waxa laga sameeyaa deegaan u dhaw magaalooyinka waawayn si markasta oo caano laga liso loo geeyo magaalada taasina waxay keentay in dhaqaale laga sameeyo caanaha Geela. Waxa kale oo booqda xerayaha geelu ku xeraysan yahay dadka magaalada maalmaha fasaxyada iyo jimce yaasha si caanaha darayga ee markaas uun laga soo lisay geela u cabaan.
Gunaanad
Geelu waa xoolaha ugu adkeysiga badan, isla markaana kaalin weyn ka qaata nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland. Waxa uu leeyahay qiime dhaqan, dhaqaale iyo bulsho oo aan la dafiri karin, isagoo ka qayb qaata gaadiidka, caanaha, hilibka iyo xitaa arrimaha la xidhiidha maamuuska bulshada dhexdeeda. Taariikh ahaan, Geelu wuxuu astaan u ahaa sharaf, hal-adayg iyo karti, waxaana lagu maamuusay gabayo, heeso iyo maansooyin muujinaya qiimaha uu leeyahay.
Sanadihii u dambeeyey, waxaa geyiga Somaliland ku soo kordhay dhaqashada Geela oo la casriyeeyay, iyadoo si xeeladaysan loo xanaaneeyo, caafimaadkiisana si joogto ah loola socdo, taasoo u suurtagelinaysa in laga faa’iidaysto caanihiisa si dhaqaale ahaan midho dhal ah. Meelaha lagu xanaaneeyo Geela ayaa u dhow magaalooyinka waaweyn si caano daray ah loogu geeyo, taasoo ka dhigaysa dhaqashada Geela mid kaalin muuqata ka qaata kobaca suuqa caanaha iyo baahiyaha bulshada.
Gebogebadii, Geelu maaha oo kaliya xoolo dhaqasho, balse waa astaan dhaqameed iyo il dhaqaale oo ka tarjumaysa hal-abuurka, dulqaadka iyo hanti-dhawrka bulshadeena. Ilaalintiisa, daryeelkiisa iyo horumarintiisa ayaa ah waajibaad qaran, si loo hubiyo in Geelu sii ahaado laf-dhabarta dhaqanka, nolosha iyo horumarka bulshada Somaliland.






















