Wasaaradda Warfaafinta oo Dhiirri-gelisay Suugaanta iyo Ilaalinta Dhaqanka

0
177

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo si weyn u kobcinaysa dhaqanka, hal-abuurka, iyo suugaanta. Xarunta wasaaradda waxaa lagu qabtay tartanka suugaaneed loogu magac daray “Ku Tartan Tixdaada”, kaas oo ka tarjumaya istaraatiijiyad qaran oo lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka, ilaalinta afka hooyo, iyo kobcinta dhaqanka.

Dhacdadan ayaa caddeyn u ah sida masuuliyiinta wasaaradda u fahamsan yihiin muhiimadda hal-abuurka suugaaneed iyo doorka ay suugaantu ku leedahay ilaalinta dhaqanka, dhismaha qaranka, iyo horumarka guud ee bulshada. Suugaantu weli waa laf-dhabarta bulshada Somaliland iyo astaanta ugu weyn ee dhaxal-sugeyaasha qaranka, iyadoo tartankani dhiirrigelinayo dhalinyarada, abwaannada, iyo hal-abuurrada.

Wasaaradda Warfaafinta: “Hoggaanka Dhaqanka iyo Suugaanta”

Tartankan oo ay si wada-jir ah u hoggaaminayeen Wasiirka Warfaafinta, Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradd Muuse Askar Guuleed iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilka-case), waxaa madasha lagu martiqaadday abwaanno iyo hal-abuurro kala duwan, taasoo muujinaysa mas’uuliyadda wasaaradda ee ilaalinta dhaqanka iyo kobcinta hal-abuurka. Tallaabadan istaraatiijiyadeed waxay isku xidhaysaa bulshada, aqoonta, iyo hal-abuurka, isla markaana waxay dhiirrigelinaysaa in suugaanta lagu kobciyo jawi tartan iyo abaalmarin ku dhisan.

Dhiirrigelinta Dhalinyarada iyo Dhismaha Qaranka:

Tartanku wuxuu noqday masrax lagu kobciyo hibada dhalinyarada, laguna dhiirrigeliyo in gabayga iyo suugaanta loo adeegsado dhisismaha iyo horumarinta qaranka, xoojinta qaranimadda, midnimada iyo wadajirka bulshada. Dhalinyarada ku guulaystay tartanka waxay noqdeen tusaale muujinaya in suugaantu tahay aalad wax dhisaysa oo bulshooyinka iyo qaranka horumarisa, isla markaana ay tahay saaxad ka mug weyn madadaalo keliya.

Suugaanta: Codka Bulshada

Suugaanta Somaliland waa mid soo jireen ah oo qarniyo badan xambaarsanayd wacyigelin, nabad-dhis iyo dhaqangelin bulsho. Tartanka “Ku Tartan Tixdaada” wuxuu xusuusin u yahay in hal-abuurka la kobciyo si uu u noqdo codka da’yarta maanta iyo berrito. Hal-abuurku maaha oo keliya madadaalo, ee waa siyaasad, waa hanuunin, waana dhaxalka iyo hagaha bulshada.

Abaalmarin iyo Abaalgalin:

Abaalmarinnada la bixiyey maaha oo keliya xus-sharafeed, balse waa farriin cad oo bulshada u sheegaysa in curinta iyo hal-abuurka suugaanta la qadariyo. Qof kasta oo gabay ama tix curiya wuxuu ku jiraa saf dhaxal-sugayaal ah oo ilaalinaya afka hooyo iyo dhaqanka, kaas oo ah dhaxal qiimo badan oo jiilba jiil u gudba.

Gunaanad:

Tartanka “Ku Tartan Tixdaada” wuxuu caddeynayaa in Somaliland ay leedahay awood iyo rabitaan ay ku ilaaliso dhaqankeeda iyo afkeeda. In dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo suugaanta waa hubka ugu weyn ee lagu adkeyn karo aqoonsiga qaranka iyo dhismaha jiil cusub oo xambaarsan dhaxalka. Tani waa tallaabo qaran oo hadal yar, hawl badan ku dhisan, taasoo muujinaysa sida wasiirka iyo wasaaradda warfaafintu u hoggaaminayaan kobcinta hal-abuurka iyo dhaqanka.