Madaxweynaha Somaliland oo Xoojiyay Maamul-wanaagga iyo Daah-furnaanta Dalka

0
165

Waxqabad iyo adeeg bulsho oo hufan: Himilada Xukuumadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 Himilada Xukuumadda Madaxweyne Cirro: Waxqabad, daah-furnaan, isla-xisaabtan iyo adeeg bulshada oo hufan

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale caddeeyey sida ay xukuumaddiisu uga go’an tahay hagaajinta nidaamka maamulka dawladeed iyo horumarinta geeddi-socodka qaranka. Talaabooyinka joogtada ah ee ku aaddan hirgelinta hay’ado hufan, daahfuran, oo u adeegaya danaha shacabka, ayaa muujinaya in Maxaweynaha Somaliland uu yahay hoggaamiye leh aragti fog iyo qorshe cad oo ku wajahan horumarinta qaranka JSL.

Furitaanka tababarka iyo aqoon-is-weydaarsiga loogu talagalay madaxda cusub ee hay’adaha qaranka ee dhawaan la magacaabay ayaa astaan u ah sida Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu uu mudnaanta weyn u siinayo fahamka mas’uuliyadda, isla xisaabtanka, iyo daacadnimada shaqaalaha dowladda. Tani waxay caddeyn u tahay hoggaamiye ay ka go’an tahay in uu dhiso nidaam dowladeed oo waxtar leh, kaas oo bulshada ugu adeegaya si hufan oo daahfuran.

Madaxweynuhu wuxuu madaxda xasuusiyey in shaqada dawladeed aanay ahayn ikhtiyaar, balse ay tahay waajib ka tarjumaya adeegga ay bulshada u hayaan. Madaxweynaha JSL waxa uu si cad ugu sheegay masuuliyiinta tababarka loo furay in mushaarka shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawladdu uu ka yimaado shacabka, sidaas darteedna qof walba looga baahan yahay inuu si daahfuran, hufan, isla markaana waqtiyeysan u shaqeeyo. Farriinta Madaxweynaha oo ah “mas’uuliyad qofkasta oo masuul ah saaran” ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay in madaxdu ay si dhab ah u xisaabtamaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dardargeliyey isla xisaabtanka hay’adaha, isaga oo Hantidhawrka Guud faray inuu si joogto ah ula socdo shaqada hay’ad kasta oo dawladeed. Tani waxay caddeyneysaa in xukuumadda ay ka go’an tahay la dagaalanka iyo cidhib-tirka masuq-maasuqa iyo wax-is-daba-marinta iyo lunsiga hantida dadweynaha heer kasta oo ay tahay, sidoo kalena aanay xukuumaddiisu mar naba aqbalaynin arrimo la xidhiidha masuqmaasuq, isla markaana adeegga bulshada lagu wado daahfurnaan buuxda.

Hoggaaminta Madaxweyne Cirro maaha mid ku dhisan kaliya hadal iyo ballanqaad, balse waa xukuumad lagu hagayo ma’baadi wax ku ool ah oo ku salaysan waxqabad muuqda oo lagu hormarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Talaabooyinkiisa wax ku oolka ah ayaa noqonaya minqiyaaska lagu cabbirayo waxqabadka xukuumaddiisa, kuwaas oo dhammaantood ah tiirar sare u qaadaya kalsoonida shacabka, isla markaana dhiirrigeliya dareenka mas’uuliyadeed iyo isla xisaabtan ee shaqaalaha dawladda.

Gunaanad:

Astaanta dhabta ah ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si cad u muujinaysa in uu yahay hoggaamiye hufan, daacad ah, isla markaana ku shaqaynaya aragti ku dhisan adeegga shacabka. Himiladiisa iyo waxqabadkiisa joogtada ah waxay caddeyn u yihiin in Somaliland ay leedahay hoggaan leh aragti fog oo ku wajahan horumar waara iyo mustaqbal ifaya, kaasoo danta shacabka iyo dalka ka turjumaya.

Hadalka Madaxweynaha wuxuu madaxda cusub ku booriyey in laga filayo adeeg cadaalad ah oo sinnaan ku dhisan, si shacabka ay u helaan adeeg hufan oo ka tarjumaya rabitaankooda iyo baahiyahooda. Tani waxay caddeyn u tahay himilada Somaliland ee ah in nidaam maamul oo daahfuran uu saldhig u noqdo horumar waara iyo kalsoonida bulshada.

Haddii madaxda cusub ay si dhab ah u qaataan mas’uuliyadda la saaray, kuna dhaqmaan daahfurnaan iyo isla xisaabtan, Somaliland waxay u noqon doontaa tusaale muuqda oo muujinaya sida hufnaanta iyo adeegga bulshada ay u horseedi karaan horumar, xasilooni, iyo kalsooni guud.