Saddex Ciyaaryahan Oo Caqabad Ku Noqday Heshiiska Garnacho Ee Chelsea

0
176

Warbixin ay qortay The Telegraph ayaa sheegaysa in saddex ciyaaryahan ay dib u dhigeen heshiiska uu Alejandro Garnacho kaga tagi lahaa Manchester United si uu ugu biiro Chelsea suuqa kala iibsiga xagaagan. Chelsea ayaa rabta inay marka hore dhammaystirto saxeexa Xavi Simons oo ka tirsan RB Leipzig, iyo sidoo kale inay iibiso Christopher Nkunku iyo Nicolas Jackson. Kaddib marka arrimahaas la dhammeeyo ayay kooxda reer London xoogga saari doontaa soo qaadashada Garnacho. Taasi waxay ka dhigan tahay in weeraryahanka Argentina uu wali sugayo inta laga hirgelinayo qorshaha uu ugu wareegayo Stamford Bridge. Garnacho, oo horey u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro Chelsea haddii uu ka tago United, ayaa horey heshiis dhanka shuruudaha shaqsiyadeed la gaadhay Blues.