Shaxda Ugu Fiican Premier League ee Todobaadkan Oo La Soo Saaray

0
266

Waxa la soo afjaray kulamadii todobaadkii ugu horeeyay ee premier League xilli ciyaareedka cusub. Kooxaha Liverpool, Man City Iyo Arsenal ayaa guulo ku bilowday xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka. Dhinaca kale Tottenham ayaa badisay halka laga badiyay Man United kulankii uGu horeeyay. Waxa Jira xiddigo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii la ciyaaray Jimichii, sabtidii Iyo Axadii. Shabakada BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican oo laga sameeyay xiddigihii sida fiican u ciyaaray premier League. Kooxaha Tottenham Iyo Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka ay Arsenal ku leedahay 2 xiddig. Kooxaha Bournemouth, Nottingham Forest Iyo Brentford ayaa shaxda ku leh min hal xiddig