Dad Salaad ku jiray oo lagu laayay dalka Nigeria

0
150

Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar budhcadnimo ah oo ka dhacay gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 30 qof xilli ay ku jireen tukashada salaadda masaajid halkaa ku yaalla.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Gidan Mantau ee degmada Malumfashi ayaa u sheegay warbaahinta in weerarku uu dhacay aroornimadii Isniinta, iyadoo 28-ka qof durba la aasay.
“Waxaan ku jirnay salaaddii markii ay rasaas nagu fureen. Waxaan aasnay 28 qof, oo uu ku jiro aabbahay,” ayuu Yidhi nin magaciisa la qariyay, isaga oo ooyaya isla markaana ilmada iska tiraya.
“Guriga ayey ku garaaceen [aabbaha], qol ayey ku xidheen, baatrool ayey ku shubeen kadibna way gubeen.”
Qof kale ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay ay gubeen dumar iyo carruur iyaga oo ku jira guryaha “islamarkaana ay afduubteen ku dhawaad 100 qof.”
Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka Booliska ee Gobolka Katsina ee waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria ayaa sheegay in 15 qof lagu dilay weerarka.