Leandro Trossard oo Go’aan Lama Filaan ah kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Arsenal

0
133

Xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal, Leandro Trossard, ayaa go’aansaday in aanu ka tagin kooxda Gunners suuqa kala iibsiga xagaagan. Waxaa jiray warar xan ah oo sheegayay in Trossard uu ka tegi karo kooxda ka ciyaarta waqooyiga London si uu u helo waqti ciyaar oo joogto ah. Xiddiga reer Belgium ayaa lala xidhiidhiyay Bayern Munich, kuwaasoo doonayay inuu u buuxiyo booskii uu ka baxay Leroy Sané oo xagaagan ku biiray Galatasaray. Sidoo kale, kooxo kale oo Premier League ah ayaa lala xidhiidhiyay.

Si kastaba, sida uu qoray The Athletic, Trossard ayaa soo af-jaray wararkii ku saabsanaa mustaqbalkiisa isagoo ogolaaday inuu heshiis cusub la gaadho Arsenal. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xiddigan aanu xiiso u muujin ka tagista Gunners, islamarkaana aanay jirin wax horumar weyn ah oo ku saabsan bixitaankiisa.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ciyaaryahanka iyo Arsenal ay gaadheen heshiis aan rasmi ahayn kadib wadahadallo wanaagsan, iyadoo Trossard loo kordhin doono mushahar cusub oo la jaan qaadaya kaalintiisa muhiimka ah ee kooxda.