Maamulaha Dugsiga Sare ee Dayib Guray oo ka Hadlay Himilooyinka Isguul ahaan u Qorshaysan

0
360

Qore Khadar M. Cismaan

Qormadeena Barnaamijka Waxbarashada ee todobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa Dugsiga sare Dayib Guray oo ka mid ah dugsiyada sare ee dawliga ah isla markaana ka jira caasimadda Hargeysa, tirada guud ee ardayda dhigata inta fasalka afraad ee dugsiga sare sanadkan ka qalin jabisay ee ku gudubtay Imtisaanka shahaadiga ah iyo tirade ka dhacday.

Qorshaha maamulka Isguulka u dejisan ee ay doonayaan in ay kula tartamaan iskuulada kale ee dalka iyo hannaanka ay u illaaliyaan akhlaaqda ardayda Iskuulka dhigata.

Maamulaha dugsiga sare Dayib Guray Khadar Cabdi (Kurtin) oo u waramay arnaamijka waxbarashada ee Wargeyska Dawan,ayaa xog waramay tirada ardayda iskuulka ka baxday sannad dugsiyeedka 2024 ilaa 2025.

Khadar Cabdi (Kurtin) oo Wargeyska Dawan u Waramayay ayaa waxa uu sheegay in iskuulka sare Dayib Guray ay dhigtaan 746, isla markaana sannadkan iskuulka ka baxeen 147 arday.

Khadar Cabdi (Kurtin) ayaa tilmaamay in ay wax ka qabteen waxbarashada iskuulka.taasina ay ka muuqato kaalmaha ay ka galeen Imtixinaadka shahaadiga ee sannadkan.Waxaanu yidhi”Dugsigan sare ee Dayib Guray waxa uu ka mid yahay dugsiyadda sare, ee Caasimadda Hargeysa,waxa la dhisay 2004 waxa uu jiraa muddo 21 sanno ah waxa dhigta arday tiradoodu dhan tahay 746 arday sannadkan waxa dugsiga ka baxay 147 Arday waxaana Imtixaanka aan ku guulaysan 7 arday oo laba aanay Imtixaanka gelin oo sababa xanuun ha uga maqnaaday shanta arday ee dhacay afar ka mid ah waa arday badal noogu timid.celcelis Ardayda gayrdhkoodu waxa uu u badnaa C iyo B waxaana aan joogaa iskuulka muddo labo sano ah waxaanu ku jiray iskuulku dugsiyada ugu hooseeya Maanta waxa uu marayaa kaalinta B dugsiyadda ugu fiican.waxaanan rejaynayaa sannadka soo socda darajada isguulku ay noqdo A.juhdi iyo dedaal badan oo aanu galinay,waxa aanu wax badan ka bedelnay Waxbarashada Iskuulka. taas oo ay ka muuqato Imtixaankii qaranka. isbedelka aanu samaynay,waxaanan ku kalsoonahay Ardayda fasalka afraad noogu jirta in guul ka soo hoyn doonaan imtixaanada soo socda,”.

Khadar Cabdi Kurtin ayaa tilmaamay in ay qalabeeyeen laabka iskuulka. “Waxa aanu qalabaynay laabkii dugsiga oo qalab wanaagsan aanu keenay.oo xafiiskii Saynis laabka si fiican ayaanu u qalabaynay.

Iskuulka waxa la galaa 6:50 Subaxnimo 7:10 ayaa xiisaduhu bilaabmaan, Macalimiinta xiisadaha dhigayaa waa heegan.

waxaana nooga yaalla xeer hoosaad hadday noqoto dabagalka ardayda,waxaana jirta qayb ka shaqaysa dabagalka ardayda.waxaanay dabagalaan habsanka iyo ardayga maqan,waana meelaha iskuulku ka dhismo hadii isla, xisaabtan la waayo waxba ma hagaagayaan,”.

Waxa kale oo uu tilmamay Khadar Cabdi Kurtin in ay rejaynayaan in dayactir lagu sameeyo dugsiga sare ee Dayib Guray.isla markaana ay wax ka qabteen xaga akhlaaqda ardayda sida qaabka ardayda u xiiranayaan”Waxa kale oo aanu wax ka bedelnay xaga akhlaaqda ardayda sida qaabka ardayda u xiiranayaan.waxbaanu ka qabanay waxaanan rejaynaynaa in dayactir lagu sameeyo iskuulka,

Dugsiga Sare ee Dayib Guray ayaa si cad ugu socda jiho horumarineed oo dhanka waxbarashada ah, taas oo ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee ay wadaan maamulka, macallimiinta, iyo guud ahaan bahda waxbarashada ee iskuulka. Sida laga dheehan karo natiijooyinka imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2024–2025, ardaydu waxay heleen darajooyin fiican, taasoo ka tarjumaysa horumar balaadhan.

Rajada ah in Dugsiga Sare ee Dayib Guray uu sannadaha soo socda gaadho heerarka ugu sarreeya ee dugsiyada sare ee dalka maaha mid ku saleysan hadal kaliya, balse waa mid leh sal iyo raad cad. Tani waxay ka muuqataa qorsheyaasha ballaadhan ee maamulka uu wado, sida kor u qaadidda tayada waxbarashada, qalabaynta laab-ka, nidaamka adag ee dabagalka ardayda, kobcinta anshaxa iyo akhlaaqda ardayda, iyo hagaajinta saacadaha iyo habsami u socodka waxbarashada maalinlaha ah.

Maamulaha dugsiga, Khadar Cabdi (Kurtin), ayaa door weyn ka ciyaaraya isbeddelka cusub ee la dareemayo. Dedaalkiisa joogtada ah, hagitaan iyo hufnaan uu ku hogaaminayo shaqaalaha iyo ardayda, waxa ay horseedeen kor u kac la taaban karo oo uu iskuulku ku tallaabsaday mudadii kooban ee uu xilka hayay.

Gabagabadii, Dugsiga Sare ee Dayib Guray waxa uu noqday muunad muuqata oo muujinaysa sida qorsheyn fiican, hogaamin hufan, iyo iskaashi dhex mara macalimiinta, maamulka iyo ardaydu ay horseedi karaan isbeddel wax ku ool ah. Himilooyinka fogfog ee uu leeyahay maamulka dugsigu, oo uu hormuud u yahay Khadar Cabdi Kurtin, waxa ay rajo weyn u yihiin in dugsigu gaadho meelaha ugu sarreeya ee waxbarashada dalka, taas oo ah guul u wada dhalata bulshada reer Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland.