Taageerayaasha Manchester City oo War Farxad Leh ka Helay Mustaqbalka Pep Guardiola

0
138

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si cad uga hadlay qorshihiisa mustaqbalka iyo goorta uu ka fikiri doono inuu nasasho qaato. Isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan xilliga uu joojinayo shaqadiisa tababarenimo, Guardiola ayaa yidhi “Weli laba sano ayaa iga harsan qandaraaskayga Manchester City. Waxaa dhici karta inaan laba sano kale ku kordhiyo. Wax walba waxay ku xidhan yihiin nasashada aan qaadan doono ka dib marka aan tago, ha noqoto hal sano kadib, laba ama afar sano kadib.”

Guardiola ayaa xusay inuu hadda si weyn ugu riyaaqayo xaaladda kooxda “Hadda waan fiicanahay, waanan ku raaxeysanayaa jawiga kooxda. Xitaa intii lagu jiray Koobkii Adduunka, waxaan horumarinay wax aan aad u jeclahay, waxa aan ka maqnaannay xilli ciyaareedkii hore. Waxaan ku arkaa dhammaan waxyaabahaas tababarka — dhammaan waxyaabahaas yaryar ayaa iga dhigaya inaan dhaho, ‘Haa, tani way na caawin doontaa’.”

Guardiola wuxuu ku adkeystay “Waxaan aaminsanahay inaan noqon doonno kuwo dedaal badan oo joogto badan xilli ciyaareedkan marka loo barbardhigo kii hore.”

Guardiola oo heshiiskiisu ku eg yahay 2027, ayaa muujiyay in mustaqbalkiisu weli aannu go’aan kama dambeys ah ka gaadhin, balse xiisaha uu u qabo City ayaa aad uxooggan