Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xadhigga ay u gaysteen ciidamada ammaanka ee dalka Chad, kaas oo lagu qabtay Muslim Muhammad Yusuf, wiilka ugu yar ee uu dhalay hogaamiyihii hore ee kooxda Jama’atu Ahlis-Sunna Lidda’Awati Wal-Jihad, oo si caadi ah loogu yaqaan Boko Haram gudaha dalka Nigeria.
Sida uu sheegay cilmi-baaraha arrimaha Boko Haram ee gobolka Harada Chad, Zagazola Makama, Muslim Yusuf waxaa lagu qabtay isagoo ay weheliyaan afar xubnood oo kale oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxdaas xagjirka ah.
Makama wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ee dalka Chad aysan garanaynin aqoonsiga dhabta ah ee Muslim Muhammad Yusuf xilliga la qabanayay, balse la ogaaday markii hay’adaha sirdoonka ee Nigeria ay la wadaageen xogtaas iyada oo loo marayo Multi-National Joint Task Force (MNJTF), taasoo ah howlgal ciidan oo isbahaysi ah oo lagula dagaallamo Boko Haram.
Warbixinnada ayaa sheegaya in Muslim Yusuf uu ahaa hoggaamiyaha dagaalyahanada Jihaad doonka ah ee ku sugan gudaha Chad, kuwaas oo muddo weerarro ka waday dalkaas. Waxa uu sidoo kale yahay walaalka ka yar ee Habib Yusuf, oo si kale loo yaqaan Abu Mus’ab Al-Barnawi, hogaamiyaha kooxda ISWAP (Islamic galbeedka Afrika.






















