Maansada Sirta Nolosha Maxaynu ka faa’iidaysan karnaa?Qaybtii 2-aad

0
404

Qormadeena dhaqanka iyo suugaanta ee todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa Maansada Sirta nolosha  qaybteenii labaad  faa’iidooyinka ku jira ee u baahan in aynu dhugano isla markaana aynu ku suntan guusha sirta noloshu inuuoga baahan tahay.

RABBI naxariistiisa  janno haka waraabiyee waxaa maansada sirta nolosha tiriyay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.

Qaybtan waxaan ku bilaabanaynaa Abwaanka oo ka hadlaya

Nolosha in aad k usar goyso waxa aad leedahay oo hugaagu noqdo ka aad dhaqan iyo hidde u leedahay ,waxaanu ku bilaabay.

Heedhee Sahraay heedhe,
Sar daruuran oo maasa,
Maro Abu Sarmaantiiya,
Dhacle baarka loo seesay,
Boqor wada xiyaakhaysan,
Sildiyaal jiljila dhiibsan,
Tusbax dhawr sagaal laaba,
Iyo qool sunaar Dheehan,
Subeciyad xiddiyo laaf leh,
Adigoo siddeeddaas Hal,
Iyo timaha oo soohan,
Ku darsaday sifaa guudka,
Garashiyo sarriig sheegtay,
Ma qofkaa sitaa jooga,
Markuu abwaantku Alle ha u naxariistee taladaa suuban jeediyay ee ku aroorta ku faanista waxa aad leedahay iyo ku sugnaanta dhaqankaaga,waxaa uu toos ula hadlay inta dhaqanka  saydhay ee sooma hoydaanka ah ee hawadooda raacday,waxaanu yidhi.

“Hadda salamadhlow gaabi,
Ha ku jabin saqlaa waalan,
Sallow ololka hoy jooji,
Ha saloolan xayndaabka,
Ha ku bixin saloognaanta,
Ha sarriiran waayeelka,
Sakatiga ka daa beesha,
Saha iyo af kala qaadka,
Ha ka nixin hiddaa Suuban.”,

Wuxuu intaa ku ladhay waano kale oo uu kula talinayao hablaha qaar kood oo aan ku sugnayn dhaqankii iyo hidohoodii oo ilbaxnimo u qaatay wax aan wanaagsanayn,waxaanu yidhi.
Gabdhayahow sidee waaye,.”

Ilbaxnimadu saas ma’aha,
Hadba suf karkaro ma’aha,
Sararaha bannee ma’aha,
Qorqor suunniyaa ma’aha,
Dhabanada sibbaaq ma’aha,
Sanka oo la mudo ma’aha,
Sakhrad iyo xashiish maaha,
Sawir iyo riyaaq ma’aha,
Filin iyo sarcaad maaha,
Saxan reer galbeed ma’aha,
Kabo sookal dheer maaha
Suuriyo durduro ma’aha,
Salsalaw cid kale ma’aha,
Qof silloon ku dayo maaha,
Wax sawaaban noqo maaha,
Sinta iyo lafaha duudka,
Saddex goor jejebi maaha,
Dhaqankaaga saydh ma’aha,
Soomaali diid ma’aha,
Sidaad doonto yeel ma’aha,
Dhulka oon ku sidi waayin,
Samadoo la koro ma’aha,
Xilliyada wax saareenka,
Iyo saacadaa reebban,
Sabbadiyo rugtay joogtey,
Gabadh timi ma saalloona,
Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W),
Salka dhiga guryaa seexda,
Sunsun falan siddaha feyda,
Sati fudud salaan sheega,
Indha suhub af geed saarrey,
Hadba surin ka sheekeeya,
Sidan iyo sibaas yeelay,
Ereyada saluuuggoo dhan,
Kuma lihid Sahraay meella,
Sunbo iyo maraadaa leh,
Inta sibiq dhaqaaqdaa leh,
Sagan daaqa jiitaa leh,
Inta marinka seegtaa leh,
Waxba aan sugeyn baa leh,
Inta sharafta saydhaa leh,
Suuraafta maqan baa leh,
Xadhig lama sitaan baa leh,
Saca Faarsa nacay baa leh,
Barni sumal xadkeedaa leh.”,
inagoo wali ku dhex jirna Maansadii Sirta nolosha iyo faa’iidooyinka aynu kala bixi karto ee abwaanku dhaxalka inooga sii dhigay,waxaa uu kaga hadlayaa ducudan suugaanta iyo Qiimeheeda, iyo sida aanay lacagi u goyn Karin suugaanta ama aan lagu iibsan Karin,iyo kaalinta ay bulshada ugu jirto suugaantu..waxaanu yidhi.

Heedhe Sahraay heedhe,
Suugaantu iib ma’aha,
Erey iyo sunnee ma’aha,
Hugun iyo sitaad ma’aha,
Siddi iyo I daya ma’aha,
Sadho iyo xajiin ma’aha,
Laba saaq ku gado maaha,,
Waxan seylad gelin weeye,
Sahdi iyo dareen weeye,
Bulsho saaasaheed weeye,
Samaheeda mudan weeye,
Sawdkeeda diga weeye,
Sacabkeeda kulul weeye,
Marna baadi sooc weeye,
Sahan iyo tilmaan weeye,
Dhaxal soo jireen weeye,
Wax ku saabsan meel weeye,
So’da iyo ka guro dhuuxa.’

La soco qaybo kale  oo ka mi