Madaxweynaha oo Qaaday Tallaabo Taariikhi ah

0
181

Qore Axmed M. Saleebaan

Burco (Dawan)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxaa ka dhacday 21-kii August, 2025, munaasibad taariikhi ah oo si weyn u xasuusinaysa shacabka reer Somaliland halgankii ay u soo galeen madaxbannaanidooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska goobtii taariikhiga ahayd ee magaalada Burco lagaga dhawaaqay go’aanka dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, 18-kii May 1991.

Goobtaas oo ah astaan qaranimo iyo halgan, waxa ay tilmaan cad u tahay guushii iyo go’aankii geesinimada lahaa ee ay gaadheen dadweynaha reer Somaliland, xilligaas oo ay si nabad ah uga heshiiyeen in ay dib ula soo noqdaan xorriyadoodii 1960-kii, kaddib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxa ay ahayd meel ay ku midoobeen guusha halganka iyo rabitaanka shacabka.

Dib-u-dhiska goobtan taariikhiga ah ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh jiilka maanta iyo kuwa mustaqbalka, si ay u bartaan, u xasuustaan, ugana faa’iidaystaan xusuusta taariikhiga ah ee dalkoodu leeyahay. Waa astaan muujinaysa jiritaanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ay muhiim tahay in qaran kasta oo doonaya inuu sii jiro, in uu mar walba xasuusto halka uu ka yimid. Waa dhisme maqaam qaran ah, kana sarreeya wax kasta oo siyaasadaysan.

Waxaa xusid mudan in dhismahan aanu noqon doonin oo kaliya dhisme dhagax ah, balse uu noqon doono astaan qarameed oo salka ku haysa wada-tashi, is-afgarad iyo xasillooni siyaasadeed, taas oo lagu yagleelay qarankan ku tilmaaman in uu yahay tusaalaha dimuqraadiyadda Geeska Afrika. Waa meel xudun u ah midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland, sidoo kalena waa goobtii lagu sarjaray mabda’a qarankani ku midaysan yahay ilaa maanta. Sidaa darteedna loo baahan yahay in la xasuusnaado xumada goobtan, si loo xoojiyo wadajirkeena guud, gaar ahaan xilligan ay muhiim tahay in la adkeeyo midnimada gudaha iyo in kor loo qaado sumcadda caalamiga ah ee qaddiyadda Somaliland.

Falanqayntan Wargeyska Dawan, waxay ugu baaqaysaa dhammaan hay’adaha dawliga ah, shacabka iyo qurbojoogta inay garab istaagaan mashruuca dib-u-dhiska goobtan taariikhiga ah. Waa waajib qaran oo la wadaago in la xasuusto taariikhda iyo halganka, isla markaana la muujiyo jacaylka iyo daacadnimada loo qabo qarannimada.

Gunaanad:
Dib-u-dhiska xarunta taariikhiga ah ee Burco waa tiir kale oo lagu xoojinayo aasaaska qaranimada Somaliland. Waa tallaabo lagu abaalmariyay halgankii shacbiga, isla markaana lagu sii xoojinayo himilada mustaqbalka. Halkaas oo laga bilaabay madaxbannaanida, maanta ha noqoto halkii laga sii wadi lahaa dhismaha qaran adag, xor ah, oo la isku raacsan yahay.