Salva Kiir oo Magacaabay Wasiirkii 7aad ee Maaliyadda Muddo Afar Sanno Gudahood ah

0
218

 

Madaxweynaha Koonfurta Suudaanta Salva Kiir Mayardit ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda ee dalkaas, Marial Dongrin Ater, iyadoo aan la shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankaasi. War-saxaafadeed ay baahisay idaacadda dowladda dalkaasi Koonfurta Suudaan ayaa xaqiijisay arrinta, taasoo ka dhigeysa wasiirkii toddobaad ee laga eryo xilka maaliyadda tan iyo sannadkii 2020.

Wasiir Cusub oo Horey Xilkan u soo Qabtay

Jagada wasiirka maaliyadda waxaa loo magacaabay Athian Ding Athian, oo sidoo kale xilkan hayay intii u dhaxeysay sanadihii 2020 illaa 2021. Magacaabistiisa waxaa loo arkaa mid ujeedkiisu yahay in lagu soo celiyo khibrad iyo xasillooni uu dalku u baahan yahay, iyadoo Suudaanta Koonfureed ay wajahday dhibaatooyin dhaqaale iyo cadaadis siyaasadeed.

Xaaladda Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Dalkaas:

Suudaanta Koonfureed ayaa la daalaa-dhacaysa caqabado dhaqaale oo ay ka mid yihiin: Sicir-barar joogto ah, dib u dhac weyn iyo hubanti la’aan ka jirta bixinta mushaharooyinka shaqaalaha kala duwan iyo ciidamada dawladda Koonfurta Suudaan, lacago deymo ah oo aad u fara badan oo ku urursan dowladda iyo musuqmaasuq baahsan oo saameeyay kalsoonida shacabka iyo beesha caalamka. Waxaa intaa dheer, in isbeddelka joogtada ah ee wasiirrada maaliyadda uu muujinayo xasillooni darrada maamulka dowladda iyo culaysyada ka imaanaya kooxaha siyaasadeed ee gudaha.

Magacaabista Athian Ding Athian waxaa lagu fasiran karaa inay tahay isku day uu Salva Kiir doonayo inuu ku xoojiyo maamulka dhaqaalaha dalka xilli ay sii xoogeysanayaan walaacyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, haddii isbeddellada siyaasadeed aanay la imaanin dib-u-habeyn muuqata, waxaa laga yaabaa in xaaladda dhaqaale ee dalkaasi ay ka sii darsato.