Arsenal Oo Dhaawac Ku Wayday Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Kadib Guushii Leeds United.

0
208

Martin Odegaard iyo Bukayo Saka ayaa dhaawacyo soo gaadheen kulankii ay Arsenal Ka badisay Leeds United Sabtidii kulan ka tirsanaa premier league. Kabtanka Gunners Odegaard ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee la badalay kadib markii uu Dhaawac garabka ah Soo gaadhay qaybtii hore ee ciyaarta. Waxa uu isku dayay in uu sii ciyaaro laba jeer laakiin Mikel Arteta Go’aansaday in uu badalo isaga oo lagu badalay Ethan Nwaneri. Saka oo dhaliyay goolkii labaad ee Arsenal ka hor qeybta nasashada ayaa calaamada kabtanimada ka qaatay Odegaard. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe ayuu dhaawac soo gaadhay iyada oo xiddiga ay ka muuqatay xanuun Xilli uu dhulka fadhiyay garoonka dhexdiisa. Leandro Trossard ayaa loo soo galiyay booska Saka, iyadoo Arsenal ay haatan ka walaacayso xaalada Xiddigaha