Iftiinka Ictiraafka Somaliland: Rejada ka Dhalatay Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibada

0
160

Qore Axmed M. Saleebaan

Burco (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aaden (Bakaal), ayaa toddobaadkan si cad u sheegay in la gaadhay wakhtigii ay beesha caalamku si rasmi ah u aqoonsan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in uu iftiinka ictiraafku si toos ah uga dhex muuqda jihada siyaasadda dibadda ee ay qaaday xukuumadda waxqabad iyo wadajir. Hadalkani waxa uu xambaarsan yahay farriin siyaasadeed oo ka turjumaysa rejo iyo yididiilo ku aaddan mustaqbalka madaxbannaanida Somaliland.

Waxaa marag ma doon ah in dalalka beesha caalamka iyo quwadaha waaweyn ee adduunku ay si fiican uga warqabaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland oo ah dal dhistay hannaan dowladeed oo shaqeynaya, dimuqraadi ah, islamarkaana leh nidaam amni oo xoogan, kaas oo si weyn uga duwan fowdada ka jirta gobolka Geeska Afrika. Xaaladdan ayaa Somaliland ka dhigtay mid si joogto ah u soo jiidata indhaha caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibadduna wuxuu si cad u sheegay in marka la eego dhammaan arrimahan kor ku xusan, aanay jirin sabab weli looga aamuso aqoonsiga Somaliland.

Dedaallada diblomaasiyadeed ee hadda socda, oo wasiirku si toos ah ugu xusay xidhiidhyo cusub oo wax-ku-ool ah oo lala sameeyay waddamo ka tirsan Afrika iyo caalamka intiisa kale, waxay muujinayaan jihayn cusub oo ku saabsan diblumaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland. Sidoo kale, geeddi-socodka ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland waxa saamayn weyn oo togan ku leh xiisaha iyo danaha istiraatiijiyadeed ee quwadaha waaweyn, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn u kordhayay. Somaliland oo ku taalla meel istiraatiiji ah oo muhiim ah, ayaa si weyn u soo jiidatay xiisaha quwadaha waaweyn ee dunida, gaar ahaan waddamada reer Galbeedka, iyadoo Maraykanku uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan.

Hadalkii Wasiirka wuxuu muujinayaa yididiilo siyaasadeed oo xooggan, iyadoo qorshe sugan iyo istiraatiijiyad qaran oo qotodheer lagu wajahayo xaqiijinta iftiinka aqoonsiga Somaliland. Xukuumadda Madaxweyne Cirro ayaa si muuqata u samaysay isbeddel weyn oo ku saabsan hannaankii hore ee diblomaasiyadda, dadaalladaasi oo noqday kuwo midho dhal ah, isla markaana beesha caalamka faham guud ka siiyay muhiimadda uu aqoonsiga Somaliland u leeyahay amniga iyo xasiloonida gobolka, iyo guud ahaan iskaashiyada caalamiga ah ee lagu horumarinayo dimuqraadiyadda, dhaqaalaha, iyo ganacsiga adduunka.

Wasiir Bakaal ayaa arrimahaas ka hadlay isagoo yidhi: “Wuu inoo muuqdaa iftiinka ictiraafka Somaliland, waa in adduunyadu ka war heshay xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland, ma jirto sabab macquul ah oo aan weli loogu aqoonsan Somaliland. Dhawaan waxaad maqli doontaan xidhiidho waaweyn oo ka dhex bilaabanaya Afrika, halka Mareykankuna uu ka mid yahay dalalka ugu awoodda iyo saamaynta badan adduunka.”

Gunaanad:

Aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa arrin aan kaliya muhiim u ahayn shacabka iyo dowladda Somaliland, balse waa tallaamo diblumaasiyadeed oo leh mug iyo miisaan weyn oo istaraatiiji ah oo la taaban karo oo saameynaya amniga, xasilloonida, iyo horumarka gobolka Geeska Afrika. Aqoonsiga Somaliland wuxuu fure u noqon karaa iskaashi caalami ah oo midho-dhal ah, gaar ahaan dhinacyada la dagaalanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha caalamka, iyo xoojinta dimuqraadiyadda ee gobolka iyo guud ahaan caalamka ba. Somaliland oo leh nidaam dowladeed oo shaqeynaya, doorashooyin xor ah, iyo jawi amni oo deggan, waxay tahay waddan diyaarsan oo mudan in lagu daro beesha caalamka. Aqoonsigeedu wuxuu noqonayaa tusaale guul leh oo muujinaya in nabad, hannaan maamul oo hufan iyo horumar laga gaadhi karo Afrika dhexdeeda, haddii la helo garawshiyo caalami ah iyo taageero xaq ah.