Madaxweynaha Somaliland Laba Qodob ayaa Taariikhda u Galay” Cabdillaahi Axmed Caarshe

0
173

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), laba Qodob ayaa taariikhda u galay, kuwaas oo kala ah: 1- Madaxweynaha Waxqabadka iyo qodobka 2aad oo ah: Madaxweynaha soo noolaynta Taariikhdii Halganka.
1- Madaxweynaha Waxqabadka:
Muddadii maalmaha kooban ahayd ee Madaxweynaha Somaliland uu safarka shaqo ku tegey Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Daadmadheedh, waxaa uu qabtay waxqabad taariikhi ah.
Magaallada Berbera oo ah magaalo muhiim u ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muddo dheer waxay bulshadu wajahayeen dhibaato dhinaca laydhka ah, iyadoo magaaladu ay aad u kulushahay, Madaxweynaha Somaliland, waxaa uu dareemay dhibaatada baaxada wayn ee haysata Magalada Berbera, waxaanu qaatay go’aan ah in Berbera hesho laydh jaban, waxaanu Madaxweynuhu ka dhigay Laydhka Berbera qiimihiisa 0.2, iyadoo Madaxweynuhu fuliyey ballan qaadkiisii ololaha. Biyo ballaadhinta Berbera ayuu hirgeliyey Madaxweynuhu, taasoo iyana ka mid ah nolosha aas-aasiga ah.
Magaallada Burco ayuu Madaxweynuhu ka dhagax dhigay Dhakhtarkii ugu waynaa, iyadoo ay maalgelinayso Dowladda Imaaraadka Carabtu, Madaxweynaha ayaa Magaallada Burco kaga dhawaaqay dhammaan adeegyadii Dowladda, waxaana Madaxweynaha loo aqoonsaday Madaxweynihii ugu horreeyey Gobolada Bari si wayn wax ugu qabta. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Magaallada Burco ka jebiyey Laydhkii iyadoo la gaadhsiiyey 0.59.
2-Madaxweynaha Halganka:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi Cirro, ayaa noqday Madaxweynihii Halganka, waxaa uu Madaxweynuhu dib-u-dhis casri ah ku sameeyey Gurigii taariikhiga ahaa ee lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo aan waxba laga qaban dibna aan loo soo eegin mudaddii ay jirtey Somaliland.
Dhimaca kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Taallada lagu xasuusanayayo halgamaagii waynaa ee Sheekh Bashiir. Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaa uu soo nooleeyey taariikhda Halgankii Somaliland, waxayna muujinaysaa Madaxweyne Dalkiisa iyo Dadkiisa lexejeclo ka hayso.
Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL.