Muranada Qoyska Iyo Maxkamadaha!

0
91

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa gabadh ninkeeda kaga cabatay inuu saaxiibadiisa si joogto ah ugu casho keeno guriga, amar ku siisay ninkaasi inuu furo. Gabadhan ayaa ninkeeda dacwad ku oogtay taasi oo ahayd inuu casuumado casho ah oo joogto ah ugu sameeyo saaxiibadiis.

Wargeyska Hürriyet Daily News ayaa daabacay xukunka qoyska ee maxkamaddan.

Xaakinka maxkamadda ayaa markii uu ku dhawaaqay go’aanka yidhi “  Oday, Maaha Gurigaagu makhaayad laga cunteeyo, gabadhaaduna dabaakh inay kuu tahay guriga kuuguma joogto”.

Ninkan ayaan ku qancin go’aanka maxkamada waxaan uu ka qaatay rafcaan.

Maxkamadda rafcaanka ayaa iyana go’aankaasi hore ku raacday maxkamadda koowaad. Maxkamadda Rafcaanka ayaa cadaysay in ninkani uu si joogto ah saaxiibadii ugu yeedho gurigiisa iyadoo aaney xaaskiisu raali kaahayn, iyadoo maxkamaddu sheegtay inuu ninku rag guriga ku casuumo iyadoo aanay xaaskiisu raalli ka ahayn ay keenayso furriin isla markaana laga fasaqayo ninka arinkaasi caado ka dhigta. Waxaana ay maxkamaduhu isku raaceen in cabashada gabadhu ay tahay mid sax oo u baahnayd in go’aankan laga gaadho, si aan dumarka loogu xadgudbin xuquuqda wada noolaha ee qoyska.