Barnaamijka dhaqashada Zoolaha ee Todobaadkan, waxaan ku iftiimin doonaa dhaqashada Idaha iyo heerarka uu maro laga bilaabo maalinta uu dhasho, magacyada loo yaqaan marba da’da uu taagan yahay iyo marxalaha kala duwan ee uu maro inta uu nool yahay.
Akhriteyaal Noole kastaa marka uu dhasho waxa uu maraa heerar kala duwan oo noloshiisa la xidhiidha, neefka Adhiga gaar ahaan Idaha ayaa marka ay dhashaan waxa loogu yeedhaa Nayl oo Lab ah iyo Nayl oo ah Dheddig, wadartoodu na waa”Naylo” maalmaha ay dhashaan waxa loo yaqaan Midh-cis, muddo kooban kadib, waxa loogu yeedhaa Caday-caday, dhawr bilood marka ay jiraan ayaa loo yaqaan Baraar.
Idaha Dheddigooda gaar ahaan intaanay dhalin ayaa waxa loo yaqaan Sabeen, halka Labkoodana loo yaqaan Wan, sabeenta dheddig ayaa marka ay curato ama markeedii ugu horreeyey ay dhasho waxa loogu yeedhaa Lax, balse Wanka oo ah kan Lab ayaan isagu aanay jirin wax magac ah oo uga dambeeya magaca Wanka, inkasta oo marka uu ilaa 6 sano gaadho tilmaamo gaar ah uu yeesho, balse waxa jira magacyo lagu lamaaneeyo oo xaga dambe magaciisa ka raaca sida Wan joogaa ah, Wan jiraa ah, Wan Subag madoobe ah, Wan jabsaday,Wan Summal ah iyo qaar kale oo la hal maala.
Sida caadiga ah maqasha iyo Adhiga gaar ahaan kuwa dhalay waa la kala reebaa oo looma ogolaado in maqasha yar yari la soofto ama la daaq tagaan Hooyooyin-kood iyadoo la lexe-jeclaynayo Caanaha neefka Irmaan, amaba waxa loo diiyadayaa Maqasha yari sida ay hooyadeed ugu noq-noqonayso ay ka badiso Jaqniinka ama Nuugista dabadeed ay dhogor xumaato itaal Ahaana ay u noqoto mid liidata, awoodeeda jidh ahaaneedna hoos u dhacdo ilaa iyo inta ay kala gudhayaana waala kala celiyaa maalinta oo dhana meel gaar ayaa la kala geeyaa, Habeenkiina marka laga liso maqashuna caanaha intii loogu reebay ay jaqdo waxa lagu xereeyaa Qaadhka oo ah Meesha ay maqashu u hoydaan.
Intaasi ka dib maqasha iyo Idaha ama Hooyadood marka ay kala gudhaan isla markaana ayaanay jirin wax ay maqasho ka jaqdo Laxda waa laysku daraa ooh al meel ayaa loo wada dareeriyaa si u soo wada daaqaan ilaa masha yar yari ay noqdaan qayb Adhiga kale ka mid ah, tiradii adhiguna waa ay korodhaa ilayn qayb kale ayaa ku soo biirtaye waxana lagu magacaabaa Isla-joog.
Iduhu noloshii xoola dhaqatada miyiga ama Soomaalidii hore waxay kaga jireen kaalin muhiim ah, tiro Adhi ah oo loo la jeedo 100 Adhi ah ninka intaasi iyo ka badan ba ay xeradiisa ka dareeraan waxaa loo yaqaanay nin Hodan ah oo, waa tii Soomaalidii hore odhan jirtay ”Geel waa Geel, in goysaana waa waa Geel” maah maadana waxay Odayadii hore ku macneeyeen in loola jeedo Idaha sida aanu ka soo xiganay maah maahdan iyo macnaheeda Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo ka warama inta badan dhaqashada Xoolaha iyo dhaqan dhaqaalihii Soomaalida.
Idaha waxa kale oo loo yaqaan magaca Sooryo waxana loogu bixiyey habeenka ay ku soo martiyaan ama ay kugu soo hoydaan qolo aad gacal tihiin oo aad mudo kala maqnaydeen habeenkaas, ninkii adhi lihi xerada ayuu galaa oo waxa uu soo qabta wanka adhiga ugu tunka wayn, waanu gawracaa si gacalka soo martiyey habeenkaa loogu Sooryeeyo.
Intaasi waxa dheer waxa ku soo martiyey Culimo diinta daadihinaya galabtii ayey reerka duleedkiisa soo dageen, ama waxa kuu soo howday Odayaal reerka ah oo u socda arrin dhaqan ah sidaasi si la mid ah ninkii xaradiisa adhi ugu jiraa waa u Looggaa Neef habeenkaasi halka golaha ee la fadhiisiyey ay ku sheekaystaan.
Gunaanad:
Dhaqashada xioolaha Idihu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka, dhaqaalaha, iyo hiddaha bulshada reer Somaliland, gaar ahaan miyiga. Heerarka ay maraan iduhu laga soo bilaabo Nayl ilaa ay noqdaan Lax ama Wan, waxay tilmaamayaan nidaam aad u facweyn oo cilmi iyo xikmadba xambaarsan, taasoo ay bulshada reer Somaliland iyo guud ahaa dadka ku hadla afka Soomaaligu ay ku taagnayeen qarniyo badan.
Kala dambeynta magacaabista, daryeelka, kala soocidda hooyada iyo maqasha, iyo xeerarka xoolo-dhaqashada ee bulshadeennu leedahay, waxay ka tarjumayaan nidaam nololeed oo facweyn isla markaana ku dhisan cilmi, aqoon iyo xigmada weyn oo laga dhaxlay waayo-aragnimo nololeed oo abaabulan, oo ku dhisan isku-tashi, khibrad, iyo xeer-dhaqameed sugan. Idaha oo si gaar ah loogu dabaaldego habeenka sooryada iyo doorka ay ka ciyaaraan martisoorka iyo sharafta reer miyiga, waxay caddayn u yihiin in dhaqanku yahay laf-dhabarta nolosha Soomaalida.
Marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, Iduhu waxay yihiin il dhaqaale oo muhiim u ah nolosha reer miyiga, waxayna qeyb weyn ka qaataan isku filnaanshaha cuntada, wax-soo-saarka caanaha, iyo il-dakhli oo joogto ah. Halkaa marka laga eego dhinaca dhaqanka, idaha loo adeegsado sooryo, marti-soor, iyo la-ogaanshaha awoodda dhaqaalaha ee reer Miyiga, taas oo tilmaamaysa qiimaha weyn ee ay bulshada ku dhex leeyihiin.
Ugu dambayn, fahamka iyo ilaalinta dhaqanka dhaqashada idaha waa muhiim, si jiilasha cusub ay u helaan xidhiidh toos ah oo ay la yeeshaan dhaxalkii fac-weynaa ee ay ka tageen awoowayaashood. Waa hanti ruuxi ah, dhaqaale iyo bulsheed oo mudan in la xuso, la xafido, lana horumariyo.






















