Ukraine oo lagu Eedeeyay in ay Weerrartay Xaruumaha Nukliyeerka Ruushka

0
242

Mas’uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegay in dab ka kacay warshad nukliyeer ah oo ku taalla galbeedka gobolka Kursk, ee Ruushka, la damiyey, sidoo kalena nidaamka difaaca cirku uu soo riday diyaarad drone ah oo laga leeyahay Ukraine.

War lagu daabacay akoonka warshadda ee baraha bulshada gaar ahaan Telegram ayaa lagu sheegay in drone-kaasi uu qarxay isagoo dhulka kusoo dhacaya, taasoo keentay in uu dhaawaco qalab koronto (transformer), balse heerarka shucaaca ay caadi yihiin islamarkaana aanay jirin wax khasaare nafeed ah.

Dhacdadan ayaa timi xilli Ukraine ay u debaal-degayso Maalinta Madax-bannaanideeda 24-ka Agosto, oo ah maalinta ay Ukraine ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sanadkii 1991 kadib burburkii Midowgii Soofiyeeti.

Hey’adda Qaramada Midoobay ee Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA) ayaa si isdaba joog ah ugu baaqaysay Ruushka iyo Ukraine in ay muujiyaan xakameyn buuxda maadama ay ku hareeraysan yihiin goobaha nukliyeerka, inta dagaalku socdo.

Ukraine ayaan  weli ka hadlin eedeymaha Ruushka ee ku saabsan weerar drone ah oo lagu qaaday goob nukliyeer ah oo ku taalla Kursk, gobolkaas oo ay ciidamada Ukraine sanadkii hore ka fuliyeen weerar lama filaan ahaa oo militari.