Daahfuranaanta Geedi-socodka Miisaaniyadda Sanadka 2026 iyo Horumarka W. Beeraha

0
155

 

Dawan Staffe

Hargeysa (Dawan)- Tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo daah-furnaanta maaliyadeed iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dawladda, ayay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland dhowaan ku soo gunaanadday kulan-hawleed muddo dhowr maalmood socday oo si qoto-dheer loogu odorosayay Miisaaniyad-sanadeedka 2026.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Beeraha Mudane Maxamuud Cige Yuusuf iyo Agaasimaha Guud Eng. Cabdirisaaq Axmed Gaas, kuwaas oo si wadajir ah u hoggaamiyey doodaha iyo qorsheynta odoroska miisaaniyadda, iyaga oo si cad u muujiyey sida ay uga go’an tahay in miisaaniyadda cusub ay si dhab ah uga tarjunto baahiyaha waaqiciga ah ee waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Waxaa si gaar ah loo xusay kaalinta muuqata ee Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta, Mudane Fu’aad Cumar Badmaax, oo hogaaminayey hannaanka miisaaniyad-samaynta isagoo adeegsanaya nidaamyada casriga ah ee maaraynta maaliyadda dadweynaha. Xisaabiyaha guud iyo kooxdiisa ayaa door muhiim ah ka qaatay diyaarinta odoros miisaaniyadeed oo xog-ogaalnimo iyo isla-xisaabtan salka ku haysa.

Markii ugu horraysay, ayaa dhammaan madaxda 11-ka waaxood ee wasaaraddu si toos ah ugu lug yeesheen wada-tashi furan oo lagu odorosayo miisaaniyadda, taas oo astaan u noqotay hannaan cusub oo xoojinaya isla-xisaabtanka gudaha iyo hufnaanta maamulka.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd in la isku jaan-gooyo hawlaha shaqo ee waaxyaha iyo miisaaniyadda la odorosayo, si loo hubiyo in sanadka 2026 uu noqdo mid wax-ku-ool ah oo lagu gaadho himilooyinka wasaaradda ee dhinaca wax-soo-saarka, sugnaanta cuntada, horumarinta kaabayaasha beeraha, iyo adeegyada la xidhiidha beeraleyda.

Wasiirka Beeraha ayaa gunaanadkii kulanka dardaaran culus u jeediyey madaxda waaxyaha, isagoo ku adkeeyey in daah-furnaanta, masuuliyadda iyo maamul wanaagu ay noqdaan tiirarka shaqadooda.

Waxaa si cad loo odhan karaa kulankan-hawleedku wuxuu iftiiminayaa isbeddel muuqda oo ku saabsan sida loo wajaho miisaaniyad-samaynta hay’adaha dawladda, gaar ahaan kuwa muhiimka ah sida Wasaaradda Beeraha. Hannaankan cusub ee ku saleysan ka-qaybgalka iyo wada-tashiga ayaa xoojin doona qorshaynta muddo-dheer, hubinta kharashaadka mudnaanta leh iyo dardar-gelinta wax-soo-saarka beeraleyda Somaliland.