Wiil kabaha ku balasheeyn jiray wadooyinka Hindiya ayaa ahaa mid ka dhaqan duwan dhamaan kooxaha kabaha baaleeshaya ama maydha ee ay goobta wada joogaan.
Dadka ayuu si weyn usoo dhowayn jiray isaga oo dhoola cadaynaya oo weliba inta uu kabahiisa nadiifinayo si edeb iyo ixtiraam leh ugu sheekaynaya, qof kastana waa uu qancin jiray.
Nin ganacasade ah oo kabaha u dhiiban jiray ayaa aad uga helay akhlaaqda iyo dhaqanka wiilka, waxaana uu siiyay shaqo muhiim ah oo dakhli badani ka soo gelayo.
Muddo dhowr sano ka dib kaba nadiifiyihii waxa uu yeeshay dukaamo lagu iibiyo kabaha, waxaana uu isu bedelay hantiile.
Fursadda guusha wakhtiyo badan waxa ay ku jirtaa gacantaada iyo sida aad shaqaadada u wanaajiso, macmiishana uu raaligeliso xataa haddii ay tahay mid aad u yar ama hoosaysa.

























