Kooxda Barcelona ayaa rikoodh cusub dhigtay kulan ay la ciyaartay Levante wareegii ugu dambeeyay ee La Liga, kaddib markii ay gaareen boqolkiiba 82.3% kubad-haysasho, taas oo noqotay tii ugu sarreysay tan iyo markii uu Hansi Flick xilka tababarenimo la wareegay.
Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, rikoodh-kan ayaa la dhigay kulankii 62-aad ee Flick si rasmi ah u hogaamiyo Barcelona, waxaana uu ka sarreeyay rikoodh hore oo ahaa 81%, kaasoo dhacay kulankii ay ka hortageen Valladolid, kaas oo calaamad u ahaa soo laabashadii Barca ee tartanka horyaalka.
Tani waa markii saddexaad ee Barcelona xilli ciyaareedkan ka dhigtay kooxda ka soo horjeeda inay kubadda haystaan wax ka yar 20%, iyadoo tusaale ahaan hore loogu arkay kulamadii ay la yeesheen Leganés iyo Mallorca.
Warbixintu waxay xustay in Barcelona ay si buuxda u xakameeyeen kubadda 59 kulan oo ka mid ah 62 kulan uu Flick hogaamiyay, halka saddex kulan oo kaliya ay ka duwanaayeen sababo gaar ah, kuwaasoo ahaa kulamo ka tirsan Champions League oo ay la yeesheen Bayern Munich, Monaco iyo Benfica.
Guushan ayaa imanaysa iyadoo Barcelona ay muujinayso qaab ciyaareed aad u xooggan oo ka tarjumaya awoodda ay ku maamulaan ciyaarta, taas oo sare u qaaday rajadooda ku guuleysiga koobab waaweyn xilli-ciyaareedkan.

























