Xoojinta Horumarka Dhallinyarada: Daah-furka Qorshaha 5-Sanno iyo Horyaaladda Gobolka Gabiley

0
154

Dawan Staffe

Gabilay (Dawan)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa mar kale muujisay dedaallo xoogan oo la xidhiidha horumarinta iyo dhiirrigelinta dhallinyarada iyo ciyaaraha Somliland, iyada oo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Cilmi Jiidhe, uu si rasmi ah gobolka Gabiley uga daahfuray qorshaha horumarineed ee shanta sanno ee soo socota. Daahfurkan waxa uu muujinayaa yool cad oo lagu horumarinayo adeegyada dhalinyarada iyo ciyaaraha, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha bulshada, kobcinta kartida dhalinyarada iyo kor u qaadista fursadaha horumarineed ee dalka.

Qorshahan cusub ayaa diiradda saaraya dhowr tiir oo muhiim ah: Horumarinta kaabayaasha ciyaaraha, tababarka xirfadeed ee dhalinyarada, kor u qaadista fursadaha shaqo-abuurka iyo dhiirrigelinta isdhexgalka bulshada ee dhalinyarada. Waxaa sidoo kale la filayaa in qorshahani uu si weyn uga qayb qaato abuurista hannaanka horyaalnimo ee ciyaaraha, taas oo horseedi doonta helitaanka xirfadlayaal heer qaran iyo caalami ah.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ku dhawaaqay in tartanka Horyaalka Horyaalada ee gobolka Gabiley la bilaabi doono 1-da bisha September 2025. Tartankani waxa uu fursad dahabi ah u yahay kooxaha kala duwan ee gobolka si ay ugu tartamaan heer sare, una muujiyaan kartidooda ciyaareed, iyaga oo sidoo kale noqonaya kuwo ku dayasho mudan oo dhiirrigeliya jiilka cusub ee ciyaartoyda Somaliland.

Go’aanka ah in Gabiley laga bilaabo qorshaha shanta sanno ee wasaaradda waxa uu caddeyn u yahay doorka muhiimka ah ee gobolkaasi ku leeyahay horumarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada. Gabiley waxay hore ugu caan baxday firfircoonida ciyaaraha iyo hal-abuurka dhalinyarada, taasoo ka dhigaysa meel istiraatiiji ah oo ku habboon hirgelinta qorsheyaasha qaran.

Daahfurka qorshahan iyo jadwalka tartanka Horyaalada waa tallaabooyin muuqda oo ka tarjumaya waayo-aragnimada iyo hiigsiga fog ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu u leedahay kobcinta kartida dhalinyarada iyo dhismaha bulsho caafimaad qabta oo leh himilooyin sare. Waa waajib in dhammaan daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada, gaar ahaan xukuumadda, waalidiinta, ururada bulshada iyo ganacsatada in ay gacan ka geystaan taageerada barnaamijyadan si Somaliland ay u gaadho horumar waara oo dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada ah.

Muhiimadda Daahfurkan Taariikhiga ah:

Daahfurka Qorshahan Shanta Sanno ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ee laga sameeyey gobolka Gabiley maaha oo kaliya dhacdo xafladeed, balse waa dhacdo taariikhi ah oo leh saameyn qaran oo rasmi ah oo si toos ah u taabanaysa horumarinta arrimaha bulsho iyo istiraatiijiyadda fog ee wasaaradda. Waa calaamad ah in Somaliland ay ka gudubtay marxalad raadinta yoolal gaaban oo aan nidaamsanayn, una gudubtay hannaanka qorshaysan ee horumar waara.

Sidoo kale, Daahfurka qorshahani waxa uu caddeynayaa in maamulka cusub ee wasaaraddu uu doonayo in uu ka tallaabsado kaliya in lagu hawlanaado shaqooyinka maalinlaha ah ee xafiiska oo keliya, isla markaana uu u gudbo halkii ay ka arki lahayd qorshayaal la taaban karo oo is beddel muuqda keeni kara, kuwaasi oo si toos ah u taabanayo qorshayaal oo door ah oo muhiimad weyn u leh horumaritna dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, kwuaas oo ay ka mid yihiin:-

  1. Xoojinta Doorka Dhallinyarada ee Horumarka Qaranka

Daahfurkani waxa uu si cad u muujinayaa in dawladdu ay fahamsan tahay in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dalka. Marka la qorsheeyo horumarkooda shan sanno oo joogto ah, waxaa meesha ka baxaya hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa falcelin aan qorshaysnayn. Tani waxay fure u noqon kartaa abuurista jiil leh xirfado, fursado iyo aragti qaran.

  1. Horumarinta Kaabayaasha Ciyaaraha

Qorshahani wuxuu sal u noqonayaa in si cilmiyeysan loo horumariyo garoomada, xarumaha tababarka iyo tartamada ciyaaraha ee heer gobol iyo qaran. Ciyaaruhu maaha madadaalo oo kaliya, waa hannaan iyo saaxad baaxad weyn leh oo si togan uga qabyqaadata xoojinta nabadgelyada iyo xasiloonidas, isla markaana kor u qaada midnimada iyo wadajirka bulshada, sidoo kalena xoojiya xirfadaha dhalinyarada iyo cafimaadka.

  1. Xakamaynta Shaqo La’aanta iyo Tahriibta

Marka dhallinyarada la siiyo fursado ciyaareed, xirfadeed iyo kobcin maskaxeed oo qorshaysan, waxay dareemayaan in ay leeyihiin door mihiim ah, isla markaana ay jirto rejo ballaadhan oo la xidhiidha iftiiminta mustaqbalkooda. Qorshahani wuxuu noqon karaa mid kaalin weyn ka qaata yaraynta tahriibka, la-dagaalanka shaqo la’aanta iyo mukhaadaraadka, iyo xoojinta kalsoonida dhallinyarada ee dalkooda.

  1. Xoojinta iyo Kor-u-qaadista Sinaanta Fursadaha

Daahfurka qorshaha oo laga bilaabay gobolka Gabiley waa farriin muhim ah in horumarku aanu ku koobnayn caasimadda, balse loo baahan yahay in laga dhigo mid loo siman yahay dhammaan gobollada. Tani waxay xoojinaysaa is-dhexgalka bulshooyinka iyo dareenka in qaranimada ay tahay mid dadku wada leeyahay.

  1. Tallaabo La Xisaabtami Karo

Qorshe shan sano ah oo si rasmi ah loo daahfuray, laguna lifaaqay taariikhda bilawga tartamada (sida horyaalka Gabiley ee bisha September. Waa tusaale wanaagsan oo muujinaya hufnaan iyo daahfurnaan dowladeed.

Daahfurkan taariikhiga ahi waa tallaabo dhanka saxda ah loo qaaday. Waa fure laga bilaabay gobol muhiim ah, wuxuuna xanbaarsan yahay rejo weyn oo ku wajahan sidii dhallinyarada Somaliland looga dhigi lahaa kuwo leh mustaqbal ifaya, awoodna u leh in ay door muuqda ka qaataan horumarinta dalkooda.

Gunaanad

Qorshaha 5-sano ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waa tallaabo geesinimo leh oo ka turjumaysa siyaasadda cusub ee la doonayo in lagu horumariyo dhallinyarada Somaliland. Waxa uu muujinayaa is-beddel hufan, yididiilo cusub iyo dareen ay wasaaraddu la wadaagto bulshada inteeda kale, taas oo xambaarsan farriin ku dhisan in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta qaranka, ciyaaruhuna yihiin qalabka kobcinta caafimaadka, midnimada iyo horumarka.

Sidoo kale Daahfurkan taariikhiga ahi waa furaha horumarka oo laga bilaabay gobol muhiim ah, wuxuuna xanbaarsan yahay rejo weyn oo ku wajahan sidii dhallinyarada Somaliland looga dhigi lahaa kuwo leh mustaqbal ifaya, awoodna u leh in ay door muuqda ka qaataan horumarinta dalkooda.