Barcelona Oo Doonaysa In Raphinha Laga Saaro Kulanka Bolivia: Sabab?

0
160

Kooxda Barcelona ayaa wadahadal kula jirta Xidhiidhka Kubadda Cagta Brazil (CBF) si ay Raphinha uga saarto ka qaybgalka kulanka labaad ee xulka Brazil ee dhici doono bishan Sebtembar, kaas oo ka dhici doona magaalada El Alto ee Bolivia, meel dhererkeedu gaarayo 4,150 mitir. Raphinha waxaa u yeeray tababare Ancelotti kulamada Chile iyo Bolivia, inkastoo ay yihiin ciyaaro aan wax macne tartan ah lahayn, maadaama Brazil ay horey ugu soo baxday Koobka Adduunka 2026, halka Chile laga reebay tartanka. Barcelona ayaa rajaynaysa in Raphinha uu kaliya ciyaaro kulanka Chile ee ka dhici doona Maracanã Khamiista, Sebtembar 4, kadibna si toos ah uu ugu soo laabto Catalonia, halkii uu safar daal badan ugu bixi lahaa Bolivia oo ay ka jirto xaalad buuq badan oo caabuq ah. Arrintan waxey niyad jab ku dhalisay Barca, maadaama Ancelotti uu fasax siiyay Eder Militão, Vinícius Jr. iyo Rodrygo oo ka tirsan Real Madrid, halka Raphinha lagu qasbay inuu ciyaaro labadan kulan aan muhiimka ahayn.

Waxaa xusid mudan in Ancelotti uu xulka ku soo daray magacyo cusub sida Douglas Santos iyo Caio Jorge, isaga oo doonaya inuu tijaabiyo ciyaartoy cusub, maadaama tani tahay isku daygiisii ugu horreeyay iyo kii ugu dambeeyay ka hor inta aannu bilaabin isku diyaarinta dhabta ah ee Koobka Adduunka 2026.