Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay xagaagan u dhaqaaqdo saxeexa khadka dhexe ee Barcelona, Fermin Lopez, iyadoo warbixinno ka imaanaya Miguel Rico ay sheegayaan in Blues ay u soo bandhigtay mushahar qalqal gelinaya suuqa — €15m oo saafi ah sanadkii. Tani waa wax ka badan laba jeer inta uu haatan ka qaato Barca (€6m).
Fermin, oo 22 jir ah, ayaa lagu qiimeeyay ku dhawaad €50m, waxaana tababaraha Chelsea Enzo Maresca la sheegay inuu laba jeer si toos ah ula xidhiidhay ciyaaryahanka si uu ugu qanciyo inuu ku biiro Premier League.
Dhanka kale, Barcelona si buuxda ayay uga warqabtaa xiisaha Chelsea iyo xidhiidhka Maresca la sameeyay Fermin. Inkasta oo kulanka Barca iyo Levante uu ka maqnaa, taas oo dareen xumo ku abuurtay, Fermin weli wax jawaab ah ma siin kooxda, waxaana aamus-naantiisa loo arkaa inuu si dhab ah u tixgelinayo dalabka Blues.
Fermin hore ayuu u muujiyey daacadnimo uu u hayo Barca, balse la’aanta boos joogto ah iyo mushaharka weyn ee Chelsea diyaarisay ayaa noqon karta tijaabo adag. Haddii uu aqbalo, waxa uu helayaa mid ka mid ah heshiisyada dhaqaale ee ugu culus xirfadiisa ciyaareed.
Barcelona wali waxay rajaynaysaa inay sii haysato xiddigeeda da’yarka ah, inkasta oo mustaqbalkiisu uu hadda mugdi galay.

























