Dawan Staffe
Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka JSL, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa muujiyey tallaabo istiraatiiji ah oo ay qaaday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee waxqabad iyo wadajir, taas oo ku wajahan horumarinta dhaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Somaliland.
Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa Arbacadii dorraad shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin kabixiyay muhiimadda uu caymisku u leedahay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland. Isaga oo tilmaamay in caymisku aanu kaliya yareyn culayska dhaqaale ee ka dhasha shilalka iyo khataraha kale ee bulshada, balse uu sidoo kale uu abuuro fursado muhiim u ah helidda maalgashi gudaha iyo dibadda. “Marka laga yimaado culayska dhaqaale ee bulshada ku yimaada shilalka, faa’iidada Hay’adda Caymiska Qaranku waa in la soo jiito maalgashi gudaha iyo dibadda ah,” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in marka Hay’adda Caymiska Qaranku si hufan u shaqeyso, ay suurto galin doonto in dalka lagu soo jiito ganacsi iyo heshiisyo istiraatiiji ah oo siyaasadeed iyo dhaqaale labadaba ah. “Hay’adda caymiska qaranku marka ay shaqeyso waxay abuuri doontaa kalsoonida maalgashadayaasha reer Somaliland, si ay hantidooda ugu aaminaan meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, iyadoo caymis lagu daboolayo,” ayuu yidhi.
Caymisk maaha oo keliya hab lagu yareeyo culayska dhaqaale ee bulshada ku dhaca marka ay la kulmaan shilal ama khasaaro, balse waa laf-dhabarta kalsoonida dhaqaale. Waddan aan caymis lahayn waxa ku adag inuu helo maalgashi gudaha iyo dibedda ah, sababta oo ah maalgeliyuhu wuxuu u baahan yahay nidaam lagu ilaaliyo hantidiisa. Sida uu guddoomiyuhu sheegay, caymisku wuxuu albaabada u furayaa in Somaliland ay hesho heshiisyo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo caalami ah.
Intaas waxaa dheer, caymisku wuxuu dhiirigelinayaa ganacsatada gudaha. Hantidooda iyo maalgashigooda haddii ay caymis ku jiraan, waxaa yaraanaya khatarta khasaaraha lama filaanka ah, taas oo ku qasbi jirtay ganacsato badan inuu ka baaqsadaan ballaadhinta dhaqaalaha. Tani waxay u horseedi kartaa shaqo-abuur, koboc dhaqaale iyo degganaansho bulsho.
Guddoomiyuhu sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshuhu aanu ku koobnaan doonin caymiska gaadiidka oo kaliya, balse mustaqbalka uu ku jiri doono caymis caafimaad. Tani waa arrin bulshada si weyn u taaban doonta, maadaama kumannaan qoys ay dhaqaale ahaan ku burburaan qarashaadka caafimaadka. Haddii caymis caafimaad la hirgeliyo, dadka oo dhan waxay heli karaan daryeel caafimaad oo la awoodi karo, taas oo kordhinaysa sinnaanta bulshada.
Haddaba, caymisku maaha arrin dhaqaale oo keliya, balse waa tiir dhidib u ah horumar waara. Waa hab lagu ilaaliyo bulshada, lagu soo jiito maalgashi, laguna dhiso mustaqbal ay Somaliland kaga mid noqoto dalalka leh nidaamyo dhaqaale oo casri ah.




















