Sanadkii 1933 ayaa nin lagu magacaabi jiray Henry Ziegland ay gabadhiisu is dishay ka dib markii uu qoyskoodii burburay. Qoyska gabadhiisa ayaa ku canaantay inuu isagu sabab u ahaa isidilkeeda, iyadoo wiil ay walaalo yihiina ugu hanjabay inuu ka aargoosan doono oo dili doono Henery. Wiilkaasi ayaa Henery oo maalin fadhiya beertiisa dhexdeeda rasasaas bastoolad ka soo dhacaday ku dhuftay, ka dibna dhulka ayuu ku dhacay laakiin muu dhiman. Wiilka soo riday oo aha gabadha dhimatay walaalkeed ayaa u qaatay inuu dhintay. Henry rasaastu way jiidhaysay waxayna gashay jiradda geed weyn oo beerta dhexdeeda ah.
Henery wuxu noola sanado badan ka dib markii uu shilkaasi ku dhacay , waana uu ka sheekayn jiray sida uu uga badbaaday weerarkii dhimishada ee maalintaasi. Henery ayaa 20 sano ka dib go’aansaday inuu beerta geedaha ka jaro isagoo geedkii ay rasaastu dhex fadhiday ku xidhay aalad yar oo qarxisa si uu usoo dhaco. Laakiin taasi ayaa sababtay inay rasaastii geedka ku jirtay qarxado isla markaana ay madaxa ka gasho Henery isagoo isla markiiba halkaasi ku dhintay. Wakhtigii Allah ugu talo galay inuu dhinto ayuu ku dhintay isla rasaastii muddo sanado badan ka hor loogu talo galay inuu ku dhinto. (Alyoum)

























