Waxbarashada farsamada gacanta waxay leedahay muhiimad gaar ah, taas oo saamayn weyn oo togan ku leh horumarka bulshada iyo dhaqaalaha waddan kasta. Waa tiir ka mid ah horumarka nolosha, maadaama ay kor u qaado xirfadaha shaqo, wax-soo-saarka, iyo awooda muwaadiniinta ee ay ku taageeri karaan horumarinta noloshada bulshada. Somaliland, iyadoo dadaal xooggan ugu jirta kobcinta waxbarashada farsamada gacanta, ayaa aragtidan ka dhigtay mid ka mid ah tiirarka horumarineed ee waddanka. Iyada oo aynu wada ogsoonnahay in farsamada gacantu ay tahay halka ugu horraysa ee umadi ay ka bilwdo horumarka, isla markaana ah udub-dhexaadka aadmigu isku dhaafay, iyada oo waddamada caalamku u kala horreeyo dhanka dhaqaalaha iyo wax soo saarka hadba sida uu ugu kala wacan yahay dhanka farsamada gacanta.
Markasta ooo dugsiyada farsamada gaanta Somaliland kor loo qaado isla markaana la horumariyo waxaan qaadnay dhabbaha wax soosaarka iyo shaqo abuurka taas oo wax wayn ka taraysa kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyo horumarka nolosha qosaska bulshada Somaliland.
Waxaa lagama maarmaan u ah horumarka Somaliland kobcinta iyo kor u qaadista dugsiyada farsamada gacanta noocyadeeda kala duwan isla markaana ay dalka u soo baxaan arday farsamo yaqaano ah oo ku hubaysan cilmi ay ku shaqo tagaan isla markaana ay waxsoosaar lu samayn karaan.
Qormadeena Barnaamijka Waxbarashada ee todobaadkan ee Wargeska Dawan waxaaynu ku soo qaadanaynaa Dugsiga Farsamada gacanta ee Hargeisa Technical Institute; tirada ardayda u fadhiisatay Imtixaanka sanad dugsiyeedka, qaybaha kala duwan ee dugsiga iyo noocyada aqoonta lagu barto dugsigan .Dugsiga Farsamada gacanta ee Hargeysa Technical Institute, waxa Imtixaanka sannad dugsiyeedkan u fadhiistay 823- arday. Ardaydan ayaa Imtixaankan ku gashay dugsiga Farsamada gacanta Magaalada Hargeysa.
Dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargeysa Technical Institute
Dugsigan oo ka mid ah xarumaha ugu waa weyn ee farsamada gacanta ee Somaliland, ayaa sannad dugsiyeedkan 823 arday u diyaariyay imtixaanka. Ardaydan ayaa ka qeyb galay afar kuliyadood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: kuliyadaha barashada Laydhka, Beeraha, Barashada Baabuurta (Makaanikada) iyo Dhismaha.
Maamulaha Dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargeysa, Badri Xasan Muxumed, ayaa sheegay in tiradan ardaydu ay muujinayso farxad weyn oo iftiiminaysa sida dhalinyarada reer Somaliland u xiiseynayaan xirfadaha farsamada gacanta. Waxa uu tilmaamay in masuuliyadda dugsigu tahay mid weyn, isla markaana loo baahan yahay in imtixaanka lagu maamulo si cadaalad ah oo hufan, si natiijada qof kasta ay u noqoto mid ka tarjumaysa dadaalkiisa iyo xirfadiisa.
Badri Xasan Muxumed ayaa ka warbixiyay ardayda Imtixaanka u fadhiisatay iyo kuliyadaha ay soo codsadeen.Waxaana uu yidhi “Waxa Dugsiga Farsamada gacanta ee Hargeysa u fadhiistay Imtixaankii ay ku soo galayeen dugsiga 823 arday.oo soo xaraystay Afar kuliyadood oo ay ka mid yihiin Laydhka Beeraha Barashada baabuurta iyo dhismaha”.
Sidoo kale Badri Xasan Muxumed ayaa waxa uu tilmaamay in masuuliayda ka saarantahay in si cadaalada u sixidoonaan Imtixaankan.Waxaana uu yidhi”Waxa u farxada dugsiga farsamada gacanta Magaalada Hargeysa in arday intaa leeg u fadhiisanayaan Imtixaanka, waana masuuliyad wayn oo saaran dugsiga.waxaana si cadaalada ayaanu u sixi doonaa Imtixaanka natiijada qof kastaa waxa uu keeno ayuu heli doonaa.waxaana aan u mahadnaqayaa shaqaalaha dugsiga farsamada gacanta oo shaqo wayn qabtay,mudadii u diyaargarawga Imtixaanka lagu jiray oo u taagnaa sidii ay u diyaarinlahaayeen Imtixaanka”.
Mudooyinkii ugu dambeeyay dayarta reer Somaliland ayaa iska xaadirinaya dugsiga farsamada gacanta Hargeys,waxaana muhiim ah in muwaadin kastaa uu noqdo mid xirfad leh.
Dugsiyada Farsadamada gacanta ayaa saldhig u ah horumarka dalka ku talaabsado,taas oo ka qayb qaadanysa in ay helaan Xirfado ay ku shaqaystaan.
Muhiimadda Barashada Farsamada Gacanta
Barashada farsamada gacantu waa furaha horumarka dhaqaale iyo shaqo-abuurka, gaar ahaan waddamada leh dhalinyaro badan sida Somaliland. Farsamadan waxay dhalinyarada siinaysaa xirfado la taaban karo, oo ka caawiya inay helaan shaqooyin joogto ah, isla markaana kor u qaadaan wax-soo-saarka gudaha.
Dugsiyada farsamada gacanta waxay abuuraan fursado ganacsi iyo hal-abuur, iyadoo ardayda lagu tababaro xirfado ay ka mid yihiin korontada, baabuurta, dhismaha, beeraha, iyo farsamada cuntada. Marka xirfadlayaal badan ay suuqa shaqada galaan, waxay yareeyaan shaqo la’aanta, kordhiyaan wax-soo-saarka, isla markaana horumariyaan ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe.
Farsamada gacantu maaha oo kaliya shaqo-abuur; waa tiir kor u qaadaya tayada nolosha bulshada. Waxay dhalinyarada ka caawisaa in ay ka qayb qaataan horumarinta kaabayaasha bulshada, xalinta dhibaatooyinka deegaanka, iyo abuurista adeegyo waara. Somaliland, iyadoo maal-gelineysa dugsiyada farsamada gacanta iyo barnaamijyada tababarka xirfadaha, waxay dhiseysaa awood dhaqaale oo madax-bannaan, isla markaana sii xoojinaysa koboca dhaqaalaha qaranka.
Barashada farsamada gacantu waa aasaas u ah horumar waara. Somaliland waxay fursad u haysaa in ay dhalinyarada xirfad leh u diyaarsato suuqa shaqada, kobciso wax-soo-saarka, isla markaana xaqiijiso horumar dhaqaale iyo bulsho oo joogto ah. Taas ayaa ka dhigaysa farsamada gacanta mid kaalin weyn ka ciyaarta mustaqbalka dhaqaale iyo horumarka dalka.
Gunaanad
Imtixaanka sanad dugsiyeedkan ee ay 823 arday u fadhiistay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargeysa wuxuu muujinayaa korodhka xiisaha iyo ka qaybgalka dhalinyarada ee waxbarashada farsamada gacanta. Waxbarashadan farsamada gacanta waxay ka tarjumaysaa xirfadaha lagama maarmaanka u ah horumarka shaqo-abuurka iyo dhaqaale ee Somaliland, waxayna dhalinyarada siinaysaa fursad ay ku horumariyaan noloshooda iyo bulshada.
Dugsiyada farsamada gacanta sida Hargeysa Technical Institute waxa ay door muhiim ah ka ciyaarayaan Kobcinta xirfadaha shaqo ee dhalinyarada, Abuurista shaqooyin gudaha dalka iyo Kor u qaadista wax-soo-saarka dalka Waxay tani caddeyneysaa in horumarinta dugsiyada farsamada gacanta ay tahay tiir muhiim u ah mustaqbalka Somaliland, iyadoo dhalinyarada lagu hagayo xirfado waara oo ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.
























