Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Jr. ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay saameyntii uu ku yeeshay ciyaartii Real Madrid 3-0 ku garaacday Real Oviedo 24-kii Agoosto, taas oo ahayd booqashadii ugu horreysay ee Madrid ku tagto Estadio Carlos Tartiere muddo 24 sano ah. Vinicius ayaa lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay taageerayaasha Oviedo iyo garsooraha, isagoo sameeyay muujin kaftan iyo hanjabaad u eg oo ku saabsan suuragalnimada ay kooxda ugu dhici karto heerka labaad. Esteban, goolhayihii hore ee Oviedo, ayaa si adag uga falceliyay: “Haddii uu waayahaygii ciyaari lahaa, dhibaato weyn ayuu garoonka kala kulmi lahaa. Kubadda ayuu aad ugu fiican yahay, balse maskax ahaan wuxuu u baahan yahay horumar badan.”
Dhaliisha kuma ekaan Esteban oo kaliya, sidoo kale Josep Pedrerol (El Chiringuito) ayaa aad uga cadhooday sida Vinicius uu ugu jees-jeesay taageerayaasha Oviedo, isla markaana uu u weeraray taageerayaasha markii uu dhaliyay goolkii saddexaad, taas oo uu barbar dhigay dhaqanka edebta badan ee Kylian Mbappé. Manu Carreño (El Desmarque) ayaa sheegay in tababaraha cusub Xabi Alonso aannu u arkin Vinicius ciyaaryahan aan la taaban karin, isagoo ku daray: “Dabeecadda xun ee Vinicius waxay dhaawacaysaa mustaqbalkiisa.”
Julen Guerrero, ciyaaryahankii hore ee Athletic Bilbao, ayaa yidhi: “Marka uu yiraahday Oviedo waxey u dhici doontaa Division 2, ma aha oo kaliya waxa uu dhaawacayo taageerayaasha Oviedo ee waa qof walba oo kubadda cagta xiiseeya.”
Si kastaba, Vinicius ayaa bartiisa bulshada soo geliyay qoraal aad uga cadheysiiyay dad badan. “Taasi Waxey caddeyneysaa ciddaan ahay.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa
Tani ayaa sii hurisay muranka ku hareeraysan da’yarka Real Madrid, iyadoo dad badan ku doodayaan inuu u baahan yahay inuu is- xakameeyo si uu uga fogaado inuu sumcadiisa dhaawaco, inkasta oo uu garoonka ka yahay xiddig wax badan ku biirin kara kooxda.

























