- Haddii aanad qorshe lahayn, waxa aad qayb ka tahay qorshe dad kale dejisteen.
- Deeqsinimada waa marka qofku hadafkiisa ku bixiyo wax kasta oo qaali ah oo uu haysto.
- Qofna sabool kuma noqdo sadaqada iyo deeq uu bixiya.
- Nolosha qofku waxa ay qiimo leedahay , hadba inta uu waxtar u kordhinayo dadka kale
- Yaabku waa jawaabta ugu fiican ee xaqiiqadu ay leedahay
- Noloshu kuma qasbana in ay inoo diyaariso waxa aynu rabno
- Noloshu haddii ay riyo weydo, waxa ay noqotaa sida shimbir baalku ka go’ay
- Inta aad nooshahay wax kasta waa suurtogal
- Nin xakiim ah ayaa yidhi “ Arrin kasta wuxu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataa. Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo rakhiis noqdaa, edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaa”
- “ Weedhaha carabkaagu waxa ay u muujiyaan, sida aad u fikirayso, waxba codkaaga kor haw qaadin laakiin xikmada kelmadaada kor u qaad”
- “Maskaxda ka madhan xikmadda, saaxiibkeed waxay ku kordhisaa carab xumaani ka buuxdo “
“Haku dagmin muuqaalka sare, aamusnaanta xabaalaha maaha inay dhamaantood Jano wada galeen

























