Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa 26-kii bisham booqasho shaqo ku tagay xarunta Golaha Wakiilada, gaar ahaan Xafiiska Guddiga Hoosaadka Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga. Intii uu booqashada ku sugnaa, Wasiir Bakaal ayaa guddiga uga warbixiyey qorsheyaasha Wasaaradda ee ku aaddan xoojinta xidhiidhka caalamiga ah iyo dadaallada ictiraaf-raadinta ee qaranka. Waxa uu sidoo kale guddiga siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka, guulaha, iyo horumarka Wasaaradda tan iyo intii uu xilka hayay, isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay in Baarlamaanka iyo Wasaaradda ay si dhow u wada shaqeeyaan.
Kulanka waxaa lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, loona hubin lahaa in warbixinnada iyo qorsheyaasha muhiimka ah ee Wasaaradda si joogto ah loogu soo gudbiyo Baarlamaanka, taasoo ka qeyb qaadaneysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada Wasaaradda.
Ugu dambeynti, Wasiirka iyo guddiga ayaa ku heshiiyey in la sii wado kulamada noocan oo kale ah, la xoojiyo wada-shaqaynta labada dhinac, lana kordhiyo kala war-qadashada iyo is-weydaarsiga macluumaadka, si loo taageero himilooyinka qaranka ee dhinaca diblomaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.






















