Adeegyada ay Fuliyaan Dawladaha Hoose ee Dalku iyo Waxyaabaha U Qabsoomay iyo Waxqabadyada Hadda Socda

0
244

Hordhac:
Barnaamijka Dawladaha Hoose ee Wargeyska Dawan. Todobaadle gorfeeya dawladdaha hoose iyo shaqada dawladaha hoose, adeegyada ay qabtaan iyo waxyaabaha u qabsoomay, waxyaabaha socda ee ay gacanta ku hayaan iyo adeegyada guud ee ay bulshadu uga baahan tahay.

Waa barnaamij  isku xidhayaa dawladaha hoose  oo adeeg fuliyeyaal ah iyo qaybaha kalal duwan ee bulshada ay xilka u hayaah iyo baahiyaha ay qabaan.

Waxaanu iftiiminayaa maamul daadejinta dawladaha hoose shaqo waanaagga iyo horumarka ka scda degmooyinka dalka.

Barnaamijku waxa uu fursad u yahay in maamulka dawladaha hoose iyo Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Somaliland ay si toos ah ugu gudbiyaan shacabka warbixin la xidhiidha:

  • Guulaha la gaadhay
  • Caqabadaha jira
  • Qorshayaasha mustaqbalka
    Tani waxay gacan ka geysanaysaa kobcinta isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo wada-shaqeynta shacabka iyo maamullada hoose.

Wasiirka Dawladaha Hoose oo si Guurtinimo Leh u Soo Afmeeray Khilaafkii Golaha Deegaanka Burco

Qaybta koowaad ee Barnaamijka Dawladaha Hoose ee toddobaadkan waxa aynu diiradda ku saaraynaa doorkii uu Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), ka qaatay xalinta khilaaf siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyay ka dhex taagnaa Golaha Deegaanka ee magaalada Burco.

Wasiirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Burco, halkaas oo uu dadaal weyn ku bixiyay sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaas, kaas oo muddo hakad gelinayey shaqada golaha, islamarkaana caqabad ku ahaa adeegyada ay dawladdu siiso shacabka degmadaasi.

Mudane Xasan Axmed Ducaale ayaa door muuqda ka ciyaaray isu keenista xildhibaannada golaha deegaanka Burco, isagoo ku guulaystay in uu ku soo afjaro murankaas si masuuliyad leh, isagoo adeegsanaya odaytinimo, isu-dheellitirnaan iyo wadatashi.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco ayaa si midnimo leh isugu raacay in la dhameeyo khilaafka, ayna danta guud ka hor mariyaan wixii kala aragti duwanaan ah. Waxa ay sidoo kale si weyn ugu mahadnaqeen Wasiirka doorka hogaamineed ee uu muujiyey, taas oo horseeday isfaham iyo heshiis rasmi ah.

Xalinta khilaafka Golaha Deegaanka ee Burco waxa ay guul weyn u tahay shacabka magaaladaas iyo horumarka la filayo mustaqbalka dhow. Tallaabadan waxa ay astaan u tahay sida maamulka dhexe iyo dawladaha hoose ay isugu duuban yihiin, si loo xaqiijiyo dowladnimo hufan iyo adeegyo miro dhal ah oo gaadha shacabka.