Safarkii Madexweynaha JSL: Waxa uu ahaa Socdaalkii Guusha iyo Midnimada

0
69

Qore Farxaan Suldaan Nuur

Madexweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa safar ugu baxay Goboladda , Saaxil taariikhdu markay ahayd 17 August 2025, Togdheer iyo Daad-madheedh, wuxuu ahaa safarkiisii labaad ee uu ku tagay Gobolka Saaxil, safarkiisii koobaad ee uu ku tagay Gobolka togdheer iyo Daad-madheedh, safarkasi wuxuu iskugu jiray Waxqabadka, dhagax dhig iyo Xogo-gaalnimadda Goboladaas iyo duruufaha ku gadaaaman oo uu soo ogaaday.

Safarka dhexdiisa Madexweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu taabtay oo uu go’aamo waxtar leh ka soo saaray Baahiyaha Muhiimka ah ee Laydhka, taas bedelkeeda Madexweyne Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu bulshadda tusay inuu yahay Madexweyne wax-qabad dhaba sameynaya oo aan ahayn Madexweyne dhagax aan wax loo hayn dhigaya, wuxuu sameeyey balanqaadyo waaweyn, wuxuu ka farxiyey Bulshooyinka Burco iyo Berberaba, wuxuu shacabkiisa tusay dareen ah inuu wax ka qabanayo baahiyaha bulshadda iyo duruufaha ku gedaaman ee ka jira dalka, isagoo ugu Baaqay Midnimo.

Marka intaas laga yimaado Waxaa soo baxay in bulshaddu u hamuun qabtay oo ay heshay Dawlad wax ka qabata Baahiyaha Aasaasiga ee sida Laydhka, Biyaha, Caafimaadka, waxbarashadda iyo Cuntadda iyo Adeegyadda Bulshadda.

Madexweyne Cirro wuxuu Safarkiisa iyo ka horba ka jawaabay oo uu wax ka qabtay Baahiyo aad u Muhiima sida Laydhka, INTERNET oo imika ku biiray Baahiyaha mihiimka ah, waxa kale oo Madexweyne cirro sheegay Inuu wax ka qabanayo Baahiyaha muhiimka ee bulshaddu u baahan tahay taasina waxay sabbabtay inuu noqdo Madexweynihii koowaad ee wax ka qabta Baahiyaha ay bulshaddu tabayso wuxuuna ugu bushaaareeyey isbedel guud oo Somaliland ah.

Burco waxay ka mideysnayd Arrinka laydhka Madexweynuhuna wuxuu ka soo saaray go’aan lagu jabinayo isla markiiba waxaa aqbalay shirkaddii laydhka burco waxaanu ku farxay midnimadooda iyo isagoona ku bogaadiyey siday u mideysan yihiin.

Internetka: Waa tii shirkaduhu heshiiyeen ee qiimaha INTERNETKA ay kordhiyeen taasna Madexweyne Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu ka soo saaray go’aan aan waxba la kordhin Karin, taasina waxa uu Madexweyne cirro ku helay taageerayaal Badan oo ay xataa ay siyaasad ahaan Kala duwanaayeen.

Laydhka Somaliland: Madexweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu balan qaaday inuu Maalgelin u raadin doonno qiimaha ugu hooseeyana ka dhigi doonno inuu wax ka qabtana ay ahayd balan-qaadkiisii.

Madexweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo xukuumadiisa Wadajir iyo Wax-qabad waxay: Waxay ka mideysan yihiin wax ka qabashadda Baahiyaha muhiimka ah waxaanay Heleen Madexweyne u dibirsan oo dhegaysanaya waxna ka qabanaya. Taasi waxay sabbabtay in shacabku ka hadlaan, soona gudbiyaan Baahiyaha muhiimkaa ee wax-ka qabashadda u Baahan.

Waxqabadka xukuumad aan sanad Joogin wax Miisaaniyad ahna aan diyaarsan Waa wax qabad wayn oo aan oo bogaadin Mudan, sidoo kalena aan haysan ilo waaweyn oo dhaqaale haddana wax ka qabatay Sida Qarameyn Ciidan ka badan 6,000 oo Askari waa wax Alle loogu mahadnaqo, sidoo kale waa shaqo Abuur aad u wayn in 6,000 oo Askari loo diyaariyo Mushahar ciidan oo ka badan kii sanadkii hore.

Gebo-gebada maqaalkaygan waxaan Madexweynaha iyo xukuumaddiisa ku bogaadinayaa wax-qabadka iyo RAJO abuurka shacabka Somaliland oo aad ugu bogay Haddaladda wanaagsan iyo Ficilada wanaagsan ee dawladdu ku talaabsatay.

Somaliland Madexweyne kastaa meel wanaagsan ayuu soo gaadhsiiyey Insha Allah Madexweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo xukuumadiisuna waxay noqon doonaan Dawladdii koowaad ee meel saarta Baahiyaha muhiimka ah, Dawladdii Alle run uga dhigo Hal ku dhigeeda Wadajir iyo Wax-qabad, dawlad ku guuleysata Citiraafka Somaliland.

Shacabkeenana waxaan ugu baaqayaa inay dawladooda ilaashadaan, qofkastaa ka shaqeeyo Ilaalinta Sumcadeena, Nabadeena, qofkastaa Safiir dirane ah Noqdo sidoo kalena laga wada shaqeeyo Horumarinta Dalka iyo Wax wada qabsiga guud ee Qaranka Somaliland.

Shacabkana waxaan ugu baaqayaa innay Ilgaara ku hayaan dibin-Daabyadda ay maleegayaan Cadawga Somaliland sidoo kalena ay U Mahadnaqaan cidkasta oo Somaliland Sawir Fiican ka Bixisa Sida Senator Ted Cruz iyo Taageerayaasha Mareykan ee ina Wata.

Somaliland oo noqota DALKA 55’AAD EE ADDUUNKA AYAA INOO BALAN AH.

Dawadnimo iyo Aqoonsibaa ina Deeqda.

Farxaan Suldaan Nuur (Rakad).