Dawan Staff
Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxman, ayaa toddobaadkan qaaday safarro shaqo oo istaraatiiji ah, kuwaas oo ku saabsan kor u qaadista hawlaha diblomaasiyadeed iyo qiimaynta adeegyada ay safaaraduhu u hayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dalalka jaarka ah.
Socdaalkan oo ay ku jireen booqashooyin iyo xog-ururin, ayaa ka dhacay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dalka Kenya. Intii uu joogay, Agaasimaha Guud wuxuu kulammo la yeeshay safiirrada, ku-xigeennada safiirrada, iyo diblomaasiyiinta kale ee ka hawlgala safaaradaha Somaliland. Ujeeddadu waxay ahayd in la xoojiyo xidhiidhka caalamiga ah, la qiimeeyo adeegyada safaaradaha, isla markaana la adkeeyo metelaadda Somaliland ee dibadda.
Mudane Moxamed Cabdiraxman ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay safaaradaha JSL u qabtaan qarankooda iyo muwaadiniintooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey doorka ay ka qaataan daryeelka iyo u adeegidda muwaadiniinta reer Somaliland. Waxa kale oo uu dhiirrigelin u jeediyey shaqaalaha safaaradaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka jaarka ah, isla markaana lagu hormariyo muuqaalka iyo saameynta caalamiga ah ee dalka.
Socdaalkan ayaa cadeyn u ah sida dowladda Somaliland uga go’an tahay xoojinta diblomaasiyadda firfircoon, ilaalinta danaha muwaadiniinta, iyo horumarinta xidhiidhka caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale muujinayaa sida tallaabooyin istaraatiiji ah oo joogto ah loo qaado si Somaliland ay uga mid noqoto dalalka si buuxda uga qaybqaata go’aamada gobolka iyo caalamka.






















