Waa Maxay Culayska Masuuliyaddu?!

0
98

Wiil yar ayaa weydiiyay aabihii oo aan daryeelka qoyskiisa ka adkayn su’aashan: “ Aabo horta ninku muxuu yahay ? “Aabihii ayaa ugu jawaabay : “Waa qofka qaata ee fuliya masuuliyadda qoyskiisa iyo gurigiisa oo welib daryeela iyaga”.

Wiilkii yaraa ayaa haddana ku yidhi Aabihii :” Anigu waxaan rajaynayaa inaan noqdo nin la mid sida Hooyo oo kale mustaqbalka”.

Sidaas ayay caruurtu u dareemaysaa marka masuuliyadda uu lumiyo aabuhu oo ay u jeclanaayaan inay ku daydaan labada waalid kolba kan hawsha badankeeda haya ee daryeelkooda la  socda.