Wasaarada Degaanka Gobolka Awdal oo Dedaal Ku Bixisay Badbaadinta Deegaanka

0
153

Qore Boqore Axmed Cabdi

Boorama (Dawan)- Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Awdal, Cabdiwahaab Xuseen Muumin, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan waxa uu iftiimiyay xaaladda deegaanka gobolka Awdal, isagoo si gaar ah uga hadlay saameynta ay duufaantii Sagar iyo isbeddelka cimiladu ku yeesheen nolosha dadka ku dhaqan guud ahaan deegaannada hoos yimaada gobolka Awdal, gaar ahaan dhul-beereedka, duurjoogta iyo xoolaha.

Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Awdal, Cabdiwahaab Xuseen Muumin, waxa kale oo uu sheegay in deegaanka gobolka Awdal uu wajahayo dhibaatooyin culus oo ay ka mid yihiin nabaad-guur baahsan, biyo yaraan, iyo hoos u dhac ku yimid wax-soo-saarka beeraleyda. Sidoo kale waxa uu xusay in duufaantii Sagar ee ku dhufatay gobolka sannadkii 2018 ay saameyn weyn ku yeelatay deegaanka, iyadoo ay burbureen dhul-beereedyo badan, xoolo badanna ay le’deen. Wuxuu tilmaamay in duufaantaasi ay raad muuqda kaga tagtay nolosha bulshada iyo xaaladda dabiiciga ah ee gobolka.

“Duufaanta Sagar waxay beddeshay hab nololeedkii dad badan oo deegaanka ah. Waxay keentay daadad sababay barakac iyo khasaare naf iyo maalba leh. Saameynta isbeddelka cimiladuna si toos ah ayaa maanta looga dareemayaa deegaanka, iyadoo ay si weyn u saameysay xilli roobaadyadii iyo helitaanka biyaha,” ayuu yidhi Cabdiwahaab Xuseen Muumin, Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Awdal

Mudane Cabdiwahaab Xuseen Muumin, ayaa sheegay in wasaaraddu ay waddo dadaallo isugu jira wacyigelin, dhir-beeris iyo dib-u-dejin dhul-beereedyo burburay, kuwaas oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga nabaad-guurka. Waxa kale oo la hirgeliyay barnaamijyo kor loogu qaadayo wacyiga bulshada ee ku saabsan ka hortagga jarista dhirta.

Isu-duwuhu waxa uu muujiyay baahida loo qabo qorshayaal waqti dheer ah oo wax lagaga qabto saameynta isbeddelka cimilada, isaga oo ku baaqay iskaashi dhex mara dowladda, bulshada iyo hay’adaha samafalka, si loo xaqiijiyo nolol waarta oo deegaanka Awdal ah.

Cabdiwahaab Xuseen Muumin, waxa kale oo uu tilmaamay in heerkulka gobolku si weyn isu beddelay, waxaanu sheegay in heerkulku maanta gaadhay heer aad u sarreeya oo ah 30°C gudaha Awdal iyo heer kul sarreeya oo gaadhaya 50°C oo deegaanada xeebaha ah. Isu-duwuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in wakhtiyadii hore heerkulku aanu gaadhi jirin heerkan sare, “Gobolku wuxuu horey u ahaa qabow, maanta kulayl daran ayaa ka jira, tani waa mid si toos ah u saameynaysa noolaha, dadka iyo xoolaha ba.”

Isu-duwaha gobolka Awdal ayaa sidoo kale muujiyay walaac weyn oo ku saabsan xaaladda duurjoogta. Wuxuu sheegay in marka dhirtu yaraato ama biyuhu dhulka ka go’aan, duurjoogtu ay la kulmaan haraad iyo gaajo, taas oo keenta dhimasho baahsan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay dhalinyaro ugaadhsata duurjoogta oo dhibaato u geysta, waxaanu yidhi “Waxaa jirta dhalinyaro ugaadhsata duurjoogta, taasoo dhaawacaysa nidaamka deegaanka. Wasaarad ahaan waxaannu ku dadaaleynaa inaan u helno xal waara.”

Isu-duwuhu waxa uu si gaar ah u dul istaagay dadaallada wasaaraddu ku bixisay ilaalinta deegaanka iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Kormeer 16 maalmood qaatay oo laga sameeyay deegaannada Xeebaha iyada oo ay Wasaaraddu waqti dheer ku bixisay la socoshada abaaraha iyo xaaladda deegaanka xeebaha, si loo qiimeeyo saameynta roob-yaraanta iyo abaaraha soo noqnoqda.

Isuduwuhu waxa kale oo uu sheegay in wasaaraddu ay aasaastay Seeraha Buurta Libaaxley oo ah seere dabiici ah oo baaxaddiisu dhan tahay 40 km², kaas oo xoolaha loogu oggolaaday inay daaqaan xilliyada abaarta. Sidoo kalena ay wasaaraddu si rasmi ah u dhistay xarumo loogu talogalay kobcinta dhirta oo ka shaqeeya dib-u-dejinta dhirta deegaanka, si loo soo celiyo dhirta dabiiciga ah lana yareeyo nabaad-guurka.

Ugu dambayn, Isu-duwuhu xusay in wasaaraddu leedahay wakiillo deegaanka ku sugan, kuwaas oo si joogto ah ula socda waxyeellada deegaanka lagu hayo, xogtana si toos ah ugu gudbiya wasaaradda, taas oo fududeysa qorshaynta iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka.