Weeraryahanka reer Sweden Alexander Isak ayaa markii ugu horreysay ka hadlay saxeexiisa rikoodh jebinta ah ee uu kaga yimid Newcastle United, isagoo ku biiray Liverpool £125m.
Isak ayaa sheegay in markasta oo uu ka hor yimid Liverpool uu dareemay culays gaar ah, gaar ahaan marka lagu ciyaarayo Anfield.
“Waa meel aad u adag,” ayuu yidhi Isak. “Wax yar ayaan ku guuleystay halkaas, laakiin koox ahaan waan ku guuldarreysanay. Labadii kulanba waan luminay. Anfield waa garoon adag in guul lagu gaadho, waxaana dareemay jawi cajiib ah. Hadda waan ku faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo.”
Markii la weydiiyay sida uu u arko la ciyaarista daafacyada Liverpool sida Virgil van Dijk iyo Ibrahima Konaté, ayuu ku jawaabay: “Waa caqabado waaweyn. Waxaan ka hadlaynaa qaar ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan adduunka. Laakiin aniga ahaan waxaan jecelahay caqabadahaas, waxaan rabaa inaan wajaho kuwa ugu fiican oo aan isku tijaabiyo.”
Isak ayaa intaas ku daray inuu mar walba jeclaa u ciyaarista Liverpool, balse uu hadda rajeynayo in waayo–aragnimadiisu ay kordhi doonto isagoo u dheelaya Reds.

























